4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2017
Kulan ay soo qaban-qaabiyeen dhalinyarada masjidka Abuubakar As-saddiqe oo lagu qabtay Minneapolis


Sabti, Janaayo, 21,2017 (HOL) - Kulan Balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada Masjidka Abubakar As-saddiqe ee magaalada Minneapolis ayaa lagu marti qaaday dadyowga kala duwan ee ku wada nool koonfurta Minneapolis xaafada Philips.

Kulankan oo loogu magac daray “Cabsida, Rajada, iyo Iimaan-ka” afarta sano ee soo socota ayaa lagaga hadlayey saamaynta ay ku yeelanayso muslimiinta, Mexican-ka iyo dadyowga laga tiro badan yahay doorashada Donald Trump iyo aragtidiisa ku salaysan neceybka, midabtakoorka iyo kala qeybinta dadweynaha mareykanka.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen hogaamiyo diimeedyada, siyaasiyiinta  laga soo doortay xaafadaha kala duwan ee Minneapolis, saraakiisha amniga iyo dad kale ee magac leh bulshada dhexdeeda ayaa lagu lafo guray saameynta ay ku yeelatay ololihii doorashada iyo qaabkii uu madaxweynaha cusubi u kicinayey dadka isaga taageera.

Kulankan oo uu daadihinayey Sh. Cabdirashiid Aabi oo ka mid ah masuuliinta Masjidka Abubakar ahna la taliye arimaha waxbarashadda ee iskuuladda dadwaynaha ayaa tilmaamay in muhimada kulankan ay tahay in dadyowga kala duwan ee xaafada Philips ay wadaagaan dareenkooda ku aadan fikradaha gurracan ee ka soo yeeray madaxweynaha Donald Trump ee su’aasha gelinaysa Mareykanimada dadka laga tirada badan yahay isagoo sheegay in dadka Muslimka ahi ay waligood qeyb ka ahaayeen bulsho weynta mareykanka.

Cabdi Warsame oo ah gudoomiyaha laga soo doorto xaafada 6aad ee Minneapolis ayaa adkeeyey in dadka soomaalida ahi ay yihiin dad maraykan ah oo sharciga dhowra isla mar ahaantaan aan si gooni ah loo takoori karin maadaama uu maraykanku yahay wadan sharci iyo qaanuun uu ka jiro.

Mudane Warsame waxuu kaloo sheegay in Magaaaladda Minneapolis qaasatan xafiiska dagmadda 6aad dhawaan hawlgaliyey xafiis ka shaqeen doona difaaca xaquuqda dadka laga tirada badan yahay, waxuu kaloo Soomaalida u sheegay inyasan cabsan oo wax dhiba aysan dhaci doonin.

Asad Zamaan oo ah madaxa ururka Bulshada Muslimiinta ee Maraykanka qeybtiisa Minnesota (MAS) ayaa ku dheeraaday in taariikhdu ina barayso in dad yar oo si gooni ah wax u arka ay dhibaato weyn keeni karaan isagoo tusaale u soo qaatay dhibaatadii ay Nazi-yiinta jarmalku
sameeyeen qarnigii tagay. Isagoo ku booriyey in Muslimiintu gacmaha qabsadaan dadyowga u taagan inay u hiiliyaan kana hortagaya xadgudubyo loo geysta dadka laga tirade badan yahay.

Sh. Hassan Dhooye oo ah gudoomiyaha ururka Jamciyada muslimiinta Maraykanka ee IANA ayaa isaguna dadka ku booriyey in masaajida iyo xarumaha islaamiga ah ay kor u qaadaan feejignaantooda kordhiyaana ilaalada bulshada ku xiran.

Ugu dambayntii waxaa shirka soo gunaanaday Sh. Abdulaziz Sugulle oo xusuusiyey dadkii halkaa isugu yimid in rajadu ay had iyo jeer ka saro marto cabsida kuna dardaarmay inay dadaalaan ilaahayna ku kalsoonaadaan.

Siyad Said Salah
[email protected]
Hiiraan Online