4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2017
Hantidhowrka Qaranka oo sheegay in aysan jirin cid ku takri fali karta hantida Qaranka

 

Sabti, Janaayo, 21, 2017 (HOL) - Hantidhowrka guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale oo ka hadlayay eedeymo waayadii ugu danbeeyayba loo jeedinayay madaxda ugu sareysa dalka, aya sheegay in aysan jirin cid ku takri fali karta sida uu hadalka u dhigay hantida Qaranka.

Dalka Soomaaliya ayaa xiligan ku jira marxalad doorasho waxaana jira shaki weyn oo soo baxaya kaasoo la xiriira in mas’uuliyiinta dowladda qaarkood olalaha doorasho u isticmaalayaan hantida Qaranka.

‘’Xafiiska aan maamulo waxaa uu u xil saaran yahay ilaalinta hantida dadweynaha iyo sida loo maamulayo, hadii la sheego musuq maasuq iyo wax is daba marin howsha xafiiska aan mas’uulka ka ah waxa weeye in aan daba-gal ku sameyno, baarno waxa ka jira eedeymaha la soo jeediyo,’’ ayuu yiri hanti-dhowrka Qaranka.

Dr Nuur Faarax Jimcaale, ayaa intaa ku daran in hay’adda dowlada awood u laheyn in ay kharashaadka iska soo dalbadaan ilaa la soo maro maamulka maaliyada dalka oo hadba wixii kharash ah ee loo baahan u diyaariya hab nidaamka waafaqsan.

‘’Annaga hadii aynu Soomaali nahay waxaan ku shaqeynaa waa la yiri iyo sidan bey aheyd, annaga ka ma ogin ilaa iyo hada musuq maasuq dhacay iyo hanti lagu takri falay, mana jirto cid ku takri fali karta hantida Qaranka ayuu yiri’’ hantidhowrka guud.

Ugu danbeyntii, hadalka hantidhowrka guud ayaa imanaya xili ay sii kordhayaan eedeymaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha u jeedinayaan mas’uuliyiinta ugu sareysa Qaranka oo laftirkooda ah musharixiin u taagan xilka madaxweynaha, kuwaa oo lagu eedeynayo in ay hantida Qaranka u faa’ideysanayaan doorashada.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]