4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2017
Dibadbaxyo ka dhan ah Trump oo ka dhacay gudaha iyo dibada dalka Mareykanka

Sabti, Janaayo 21, 2017 [HOL]-Bannaan baxyo badan ayaa ka dhacay walina ka socda qeybo ka tirsan dalka Mareykanka kuwaasoo looga soo horjeedo siyaasadaha qallafsan ee madaxweynaha shalay Mareykanka loo dhaarshay Mr. Donald Trump.

Kumanaan kun ayaa isugu soo baxay caasimado kala duwan oo ku yaal Mareykanka. Sidoo kale waxaa mudaaharaadyo kuwaa la mid ah ay ka dhaceen Australia iyo New Zealand.

Maanta oo Sabti ah ayaa waxaa boqolaal qofi isugu soo baxeen gudaha dalalkaaasi Australia iyo New Zealand kuwaasoo u badan dumar.

Waxay socod ku mareen waddooyinka walina waa socdaan dad badan oo kale ayaana kusoo biiraya.

Qeybo kale oo caalamka ah oo dalalkaa saddexdaa ah ee aan soo xusnay ka duwan ayaa sidoo kale waxaa ka socda abaabulka mudaaharaadyo looga soo horjeedo siyaasadaha Trump.

Haatan ayaa waliba warar dhawaan soo dhacay ay sheegayaan in dadka mudaaharaadka dhigaya ee Australia gaar ahaan Sydney ay gaareen ilaa 3 kun oo qof.

Dadkaa ayaa lagu soo waramayaa inay ku wajahan yihiin dhanka qunsuliyada Mareykanka.

Sidoo kale ayaa haatan wararka isa soo taraya ay sheegayaan in 2 kun ay sare u dhaaftay tirada dadka ku mudaaharaadaya Trump gudaha dalka New Zealand.

Waxaa la saadaalinayaa in dadka ku mudaaharaadaya Trump ay tiradoodu gaari doonto ilaa 2 malyan iyo ka badan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]