Sabti, Janaayo, 21, 2017 (HOL) - Iyadoo waayadii ugu danbeeyay ay soo baxayeen
warar sheegaya in maamulka Soomaaliland saldhig militari Imaaraadka ka siinayo
magaalada Berbera, ayaa durbaba waxaa soo baxay digniino arintaa ka dhan ah oo
ay jeedinayaan culimada.
Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada waaweyn ee
Soomaaliland ayaa ka digay halista ka dhalan karta saldhiga la sheegay in
imaaraadka laga siinayo Berbera, gaar
ahaan waxaa uu farta ku fiiqay saameynta kooxaha Xuudiyiinta Yemen ku yeelan
karaan nabada ka jirta sida uu hadalka u dhigay deegaannada Soomaaliland.
‘’Waxaan idin sheegayaan Soomaaliland waa hadaf, dad yar
beynu –nahay, dhaqaalaheenu waa inaga badan yahay, dhibaato kasta oo la soo
marayba waxaan leeyahay dadkani waa qani, yaan dalka la duminin, yaan
nabad-galyo darro loo soo jeedin, yaan loo soo rarin dagaal aynu xamili
kareynin, maalin walba Xuudiyiinta Xaramka ayeey ku tuuraan Iskaat ama madfac, miyaad is leedihiin Berbera ayaaba uga dhaw oo
ay duqeyn karaan, sidaa daraadeed nabada aynu wada ilaashano, ayuu yiri’’
Sheekh Aadan Siiro.
Waxaa uu sheegay in hadii leysku dayo in la dhiso saldhiga
militari ee Imaaraadka Carabta taa macnaheeda noqonayo in Soomaaliland
yeelaneyso cadaw aysan hada laheyn waa sida uu hadalka u dhigay Sheekh Aadan
Siiro.
Ugu danbeyntii, dhawaan ayaa la sheegay in Soomaaliland
hishiis la gashay dowladda Imaaraadka Carabta, kaa oo la xiriira saldhig
militari oo ay ka sameysanayaan magaalada Istiraatijiga ah ee Berbera.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]