4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2017
Trump oo durba ku dhawaaqay in Mareykanku ka baxayo heshiiska qaarada Asia kala dhexeeya ee Asia pact

 

Sabti, Janaayo 21, 2017 [HOL]-Madaxweynaha shalay loo dhaarshay Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii shalayba sheegay in dalkiisu ka baxayo heshiiska Trans-Pacific Pact.

Heshiiskaa oo ka dhexeeya 12 dal oo Mareykanku kujiro ayaa lagu soo gaabshaa TPP. Waxaa khudbadii shalay lagu dhalliilay inuusan ka hadal arimaha Yurub iyo Afrika.

Waxaa lagu dhalliilay oo kale inuu is moogeysiiyay in Mareykanku yahay dalka dunida oo dhan ay eegeyso ee ugu awooda roon dhaqaale iyo militari ahaanba.

Bayaan kasoo baxay shalay Aqalka Cad ee looga arimiyo Mareykanka durba markii saa loo caleemo saaray Trump ayaa xusay in tillaabo laga qaadayo dawladaha dalalka dhaawaca heshiisyada ganacsiga ee kala dhexeeya Mareykanka.

Waxaa bayaankaasi sidoo kale xusay in tillaabo laga qaadayo dawladaha dalalka wax u dhima shaqaalaha Mareykanka ah.

Laakiin waxaa lagu sheegay in dawlada Trump ay ku dhiirran tahay inay adkeyso wada xaajoodna ka gasho heshiiska ganacsiga xorta ah ee waqooyiga Ameerika -NAFTA.

Heshiiskaa lagu magacaabo NAFTA ayaa lasaxiixay sanadkii 1994 wuxuuna ka dhexeeyaa Mareykanka,  Canada iyo Mexico.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]