4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2017
Musharixiinta guddoonka aqalka sare oo maanta khudbado jeedinaya

 

Sabti, Janaayo, 21, 2017 (HOL) – Maanta oo Sabti ayaa lagu wadaa in musharixiinta u taagan xilka guddooka aqalka sare khubado ka hor jeediyaan xildhibaannada aqalkaas sida cad jadwalka gudiga qaban-qaabada doorashada.

Musharaxiinta ayaa Xildhibaanada aqalka sare ka dalban doona kalsoonida, iyadoo musharax waliba uu Xildhibaanada ka hor cadeyn doono waxa uu qabandoono haddii la doorto.

Ilaa 16 murashax ayaa isu soo taagtay xilka guddoonka aqalka sare, labo murashax waxaa ay ku tartamayaan xilka guddoomiyaha aqalka sare, halka min 7 musharax ay ku tartamayaan guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad.

Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun), ayaa sheegay in maanta oo Sabti ah kuna beegan 21 la dhageysan doono Khudbadaha.

Maalinta berri ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 22ka bishan in ay dhacdo doorashada guddoonka aqalka sare.

Ugu danbeyntii, todobaadyada nagu soo foolka leh ayaa la filayaa in ay fadhi wada jir ah yeeshaan labada aqal oo ka arinsan doona doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]