4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 20, 2017
Xildhibaannada Galmudug oo sheegay in ay dib u dhigayaan doorashada madaxweynaha

 

Jimco, Janaayo, 20, 2017 (HOL) - Xildhibaannadii horaantii bishan kalsoonida kala laabtay madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in ay dib u dhigayaan go’aankii ay horay u qaateen ee ahaa in ay dooranayaan madaxweyne cusub.

Xildhibaan Feysal Axmed Cabdulle oo ka mid ah xildhibaannada Galmudug ayaa sheegay in ay dib u dhigayaan doorashada madaxweynaha cusub, haddii xildhibaannada dowlad federaalka Soomaaliya ee ku sugan Cadaado aqoonsadaan sida uu hadalka u dhigay sharci ahaanshaha go’aankii ay dhawaan qaateen xildhibaannada Galmudug ee kalsoonida lagala noqday Cabdikariin Xusseen Guuleed.

‘’Sharciga Galmudug waxaa uu qabaa in mudo 30 cisho ah gudaheed lagu doorto madaxweyne cusub marka uu madaxweynihii hore meesha baneeyo, laakiin wey dhici kartaa in baarlamaanka uu dib u fariisto oo go’aan dib u dhigis ah la qaato waa hadii xildhibaannada halkan jooga aqoosadaan sharciyada go’aankii uu qaatay baarlamaanka ee kalsoonida lagala noqday Cabdikariin Xusseen Guuleed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wafdiga tagay Cadaado ee ka socda dowlad federaalka ku jiraan xubno ay wada hadal la furi karaan, taasoo macnaheedu noqonayo in ka hor inta lagu dhaqaaqin tallabo ka dhan ah Cabdikariin Xusseen Guleed arinta laga wada hadlo.

‘’Mas’uuliyiinta noo yimid dad wanaagsan ayaa ku jira oo aan la hadli karno, laakiin waxaa halkan ka cadeyneynaa in aan marnaba dib uga laaban doonin go’aanka ah kalsooni kala noqoshada Cabdikariin Xusseen Guuleed’’ ayuu yiri Feysal Axmed Cabdulle.

Ugu danbeyntii, magaalada Cadaado waxaa ka soconaya dadaalo la doonayo in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed ee halkaa ka aloosan taasoo dhalisay gacan hadal ay dad ku dhinteen.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]