Jimco, Janaayo, 20, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal xalay duqeyn xoog leh ka geysteen deegaanno ka tirsan gobolka oo fariisimo ku lahaayeen xoogagga Al-shabaab.
Diyaaradaha oo la sheegay in ay hayeen kuwo joog hoose ku socday ayaa si gaar ah u martilmaameedsaday saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaannada Warmaxan iyo Tixsiile sida laga soo xigtay dad goobjoogayaal ah.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in duqeymahan ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsay saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, hasse ahaatee ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay duqeynta.
Gobolka Sh/hoose ayaa ka mid ah deegaannada Koofurta Soomaaliya ee inta badan ay ka dhacaan duqeymaha lagu bartilmaameedsado Al-shabaab, inkastoo mar marka qaar duqeymahaas wax yeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]