Jabuuti oo taageero u muujisay musharaxnimada Amino Mohamed ee guddoomiyaha midowga Africa
Jimco, Janaayo, 20, 2017 (HOL) - Dowlada Jabuuti ayaa
markii ugu horeysay muujineysa taageerada ay u hayaan musharaxnimada wasiirka
arimaha dibada Kenya Amina Mohamed oo ah musharax u taagan xilka guddoonka
midowga Africa.
Wasiirka arimaha dibada Jabuuti, Maxamuud Ali Yuusuf ayaa sheegay in xiligan la
gaaray waqtigii geeska Africa ay la wareegi lahaayeen hogaanka ugu sareeya
ururka midowga Africa.
“Waa
waqtigii wadamada geeska Afrika ay hogaanka ugu sareeya ururka midowga Africa
ay la wareegi lahaayeen wayna ku habboon tahay xilkaas Marwo Amina Maxamed
iyadoo ah qofkii ugu wanaagsanaa ee abid hogaamiya ururka.”ayuu yiri wasiirka
Arrimaha dibbada ee Jabuuti.
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa dhinaciisa uga
mahad celiyay dowladda Jabuuti mowqifkeeda
ku aadan taageerada ay u hayaan Ms Amina waxana uu ku baaqay in si wadajir ah
loogaga shaqeeyo sidii lagu taageeri lahaa wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Marwo
Amina Maxamed.
Ugu danbeyntii, kulan dhaxmaray wasiirka arimaha
dibada Jabuuti iyo madaxda dalka Kenya ayaa looga wada hadlay xaaladaha
nabad-galyo ee wadamada Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, iyo sidii looga wada
shaqeyn lahaa nabad ku soo celinta labada dal.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]