Khamiis, Janaayo, 19, 2017 (HOL) – Madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia
Adama Barrow ayaa maanta sheegay in caleemo saarkiisa lagu qaban doono
safaaradda Gambia ee dalka deriska la ah ee Senegal, kadib markii hoggaamiyaha
muddada dheer hayey talada Yahya Jammeh uu diiday in uu xukunka ka dago.
Waxaa uu hadalkan kaga dhawaaqay barta twitter-ka, halkaasi oo waxyar kadib
saqdii dhexe ee xalay uu shaaca ka qaaday in madaxtinimadii Jammeh “ay si rasmi
ah u dhammaatay”.
“Waagii cusubaa ee Gambia waa uu yimid ugu dambeyn” ayuu yiri Barrow.caleemo
saarka ayaa markii hore lagu waday in maanta ay ka dhacdo caasimadda dalka
Gambia ee Banjul.
Barrow ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee dhacday kowdii
December. Jammeh, oo hadda ka hor wacad ku maray inuu Gambia xukumi doono
“Balaayiin sano” ayaa markii hore aqbalay natiijada, hase yeeshee waa uu
beddelay maskaxdiisa isaga oo tuhmaya qaladaad dhinaca codadka ah.
Ugu danbeyntii, dalalka deriska la ah Gambia ee Galbeedka Afrika ayaa isku
dayaya in ay gacan ka gaystaan in xaaladdan la xaliyo.
Xigasho VOA