4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 19, 2017
Magacyada xildhibaannada maanta lagu doortay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Janaayo, 19, 2017 (HOL) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada xubnaha xildhibaanada golaha shacabka ee ka imaanaya deegaannada Soomaaliland, waxaana la doortay saddex xubnood.

Doorashada oo ka dhacday xarunta gaadiidka booliska ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku tartamay siyaasiyiin ka soo jeeda gobollada Waqooyi, taasoo xiiso gaar ah u yeeshay doorashada.

Xubnaha maanta la doortay ayaa waxaa ay kala yihiin Maxamed C/llahi Kaamil oo 51 cod kaga guuleystay Jibriil Sacad Muuse, Seynab Caamir oo heshay 48 cod iyo Maxamed Cali Xagaa oo 50 cod kaga adkaaday Maxamed Iidle Kheyre.

Natiijada kuraasta maanta lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhawaaqay xubno ka tirsan gudiga doorashada heer federaal.

Ugu danbeyntii, 269 xildhibaan ayaa ilaa iyo hadda la soo doortay, waxaana guud ahaan xildhibaannada gollaha shacabka ka dhiman Lix kursi oo 5 ka mid ah dib looga soo dooranayo dowlad gobolleedyada, halka xildhibaanka soo harayna uu wali ku dhiman yahay beellaha gobollada Waqooyi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]