Diblomaasiyiinta dalalka Carabta oo sheegay in ay gacan ka geysanayaan wax ka qabashada abaarta
Khamiis, Janaayo, 19, 2017 (HOL) – Kulan muhiim ah oo looga hadlayay xaalada abaarta oo waxaa
ka qeyb-gallay safiirrada waddamada Jaamacadda Carabta, xafiiska ururka
Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo guddiga Qaran ee abaaraha, ayaa diiradda waxaa
lagu saaray sidii dalalka Carabta ay door muuqda uga qaadan lahaayeen in ay ka
qeyb-galayaan kaalmada iyo gurmadka dadka ay abaaraha xooggan saameeyeen.
Safiirka Jaamacadda Carabta ee
Soomaaliya, ayaa sheegay in farriinta shacabka Soomaaliyeed ka timid ay ka
jawaabi doonaan dalalka Jaamacadda Carabta, isaga oo ugu baaqay ugu baaqay hey’adaha
dalalkaasi in ay arrintaan si deg deg ah wax uga qabtaan.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo
guddiga Qaran ee abaaraha ka tirsan, ayaa sheegay in dhibaatada hadda jirta in
aysan ku filneyn shacabka iyo dowladda, loona baahan yahay kaalmo caalami ah.
Madaxweynaha DF Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Max'uud ayaa sheegay in dalalka
Jaamacadda Carabta ay kala hadleen sidii ay Soomaaliya u garab istaagi
lahaayeen marxaladda abaaraha.
Ugu danbeyntii, Abaarta Soomaaliya ayaa la sheegay in ay saameyn doonto shan Milyan dad ah haddii aanan si dhaqsaha ah
looga jawaabin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]