Xildhibaannada Galmudug oo diiday in ay la kulmaan wafdi ka socda dowladda oo Cadaado gaaray
Khamiis, Janaayo, 19, 2017 (HOL) –
Xildhibaannadii dhawaan sheegay in ay kalsoonida kala noqdeen madaxweynaha
Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed ayaa diiday in ay la kulmaan
wafdi ka socda labada aqal ee dowlada oo maalintii shalay gaaray magaalada
Cadaado.
Qaar ka mid ah xildhibaannada oo la hadlay warbaahinta ayaa
sheegay in xiligan aysan la kulmi Karin wafdiga
ka socda DF oo sida ay hadalka u dhigeen ka shaqeynaya wax aan dan ugu jirin
shacabka reer Galmudug.
Xildhibaannada ayaa ku eedeeyay wafdiga in ay ka shaqeynayaan sidii ay xafiiska ugu
sii heyn lahaayeen madaxweynaha oo sida ay hadalka u dhigeen kol hore
xildhibaannada kalsoonida kala laabteen.
Waxaa ay iska fogeeyeen eedeyn dhinacooda loo jeediyay oo ah sababta ay ugu kacsan yihiin Cabdikariin Xusseen Guulleed tahay mishaar la’aan
mudo dheer soo food saartay, iyaga oo
taa badalkeeda sheegay in mishaar ay qaataan uga weyn tahay masiirka iyo rabitaanka shacabka reer Galmudug.
Magaalada Cadaado waxaa ku sugan wafdi ka kooban labada
golle ee dowladda oo uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka
xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa.
Xiisada Siyaasadeed ee ka taagan magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee
maamulka Galmudug ayaa sii kordhaya, markii ay go’aankooda ku adkeysteen
xildhibaanadii xilka ka qaaday Guuleed.
Ugu danbeyntii, madaxweynaha Galmudug ayaa
wali ku sugan magaalada Muqdisho, kaddib markii uu cadaadis xoog leh kala
kulmay siyaasiyiin iyo xildhibaanno deegaannadaas ka soo jeeda.