4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2017
Doorashada xildhibaannada ka harsan labada aqal ee G/waqooyi oo maanta la soo gabagabeynayo

 

Khamiis, Janaayo,  19, 2017 (HOL) – Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Gaadiidka Booliska maanta waxaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeeyo doorashada xubnaha xildhibaanada golaha shacabka iyo aqalka sare ee deegaannada Soomaaliland.

Labo xubnood oo mid noqonaya gobollaha shacabka iyo labo xubnood oo aqalka sare ah ayaa maanta lagu dooranayaa xarunta gaadiidka booliiska, sida ay warbaahinta u sheegeen guddiga doorashada heer federaal.

Maanta ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo doorashada xubnaha ka imaanaya deegaannada gobollada Waqooyi, maadaama, 4-ta xubnood ee maanta la dooranayo ka harsanaayeen guud ahaanba saamiga labada aqal ee beelaha Soomaaliland.

Ergada ka qeyb galeysa doorashadan oo labo qeyb la fariisiyay ayaa lagu diyaariyay hoolka doorashada, iyadoo goor dhow la filayo in ay bilaabato doorashada.

Guud ahaan wadooyinka ku dhow dhow xarunta gaadiidka Booliska ayaa xiran iyadoo dad badan ay ku qasabtay inay lugeeyaan kadib markii loo diiday gaadiidka inay maraan qaar kamid ah wadooyinka halbowlaha ah ee magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii, guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa horey u sheegay muhiim in ay tahay in la dadejiyo xubnaha ay Doorashadooda harsan tahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]