Khamiis, Janaayo, 19, 2017 (HOL) - Madaxa ammniga iyo nabad-galyada Midowga Afrika Smail
Chergu ayaa booqasho labo maalmood ah ku jooga magaalada Bujumbura ee dalka
Buurndi, kadib markii dowladda Burundi ay dhowaan sheegtay in ay ciidamadeeda
kala baxeyso Soomaaliya.
Smail Chergu ayaa markii uu tagay magaalada Bujumbura ee dalka Buurndi waxaa
uu Ubax dhigay wabriga Major General Juvenal Niyoyunguruza oo ahaa taliye
ku xigeenkii hore ee AMISOM, kaas oo ku dhintay weerar ay Al-shabaab ka geysteen
Soomaaliya 2009-kii.
Inta uu ku sugan yahay dalka Buurndi waxa uu kulamo la qaadan doonaa wasiirada
kala ah wasiirka arrimaha dibadda Alain Aime Nyamitwe, Wasiirka
Gaashaandhiga Emmanuel Ntahomvukiye iyo wasiirka amniga Alain Guillaume Bunyoni
dalkaasi, si uu ugala hadlo arrimaha Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, gaar ahaa
ciidamada Burundi.
“Waxaan kala hadli doonaa Smail Chergu arrimaha ciidamada AMISOM, gaar
ahaan kuwa Burundi, oo maalmahan sheekadu ay aheyd in ciidamadeedaay ka
baxayaan Soomaaliya, Ciidamadeena kaliya Soomaaliya uma joogaan in ay Shabaab
la dagaalamaan, balse waxa ay raadinayaan nabad waarta oo Soomaaliya ka
dhalata, sidaasi darteedan nabada Soomaaliya waa nabada aduunka “ayuu
yiri wasiirka arrimaha dibadda Alain Aime Nyamitwe.
Sidoo kale Alain Aime Nyamitwe wasiirka arrimaha dibadda ayaa waxa
uu sheegay dowladda Burundi mar walba in ay ku howlan tahay sidii Soomaaliya
looga dhigi lahaa meel nabad ah, si dadka caalamka ay ugu yimaadaan
booqasho.
Ugu danbeyntii, Burundi ayaa ka mid ah dalka ciidamada badan kaga jiraan AMISOM, waxaana
Soomaaliya ka jooga 5,500 oo Askari, waxayna mushaar ahaan uqaadan jireen
Bishii lacag dhan 5 milyan oo Euro.