4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 18, 2017
Wabiga shabeelle oo gabi ahaanba guray deegaano badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya


Arbaco, Janaayo, 18, 2017 (HOL) – Tani waa dhibaato kale oo soo food saartay dadka ku dhaqan deegaannada uu maro wabiga shabeelle oo markii horeba la daalaa-dhacayay xaalada abaarta oo ay ugu sii darsantay biyihii wabiga shabeelle oo gabi ahaanba guray.

Biyo la’aanta ayaa marka la eego saameyn xoog leh oo muuqata ku yaallatay dadka ku dhaqan deegaannada dhaca jiinka wabiga oo si kastaba nolashoodu ku xirneyd isticmaalka biyaha wabiga.

Muuqaalo la soo qaaday ayaa muujinaya gudaha wabiga oo dadka iyo duunyada isla dhaxmarayaan, meellaha qaarna caruurtu ku dhax cayaarayaan, waxaana beeraleydii ku tiirsaneyd biyaha webigan soo food saartay xaalad adag.

Soomaaliya hada waxaa jirta abaar aad u daran oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaan dowladda federaalka iyo maamulada hoose ay wadaan dadaalo dadkan lagu badbaadinayo.

Ugu danbeyntii, bartimihii sanadkii hore ayuu mar sidan oo kale wabigu u biyo yareeyay guud ahaanba deegaannada uu maro, hasse ahaatee biyo la’aantan ayaa ku soo aaday xili dadka reer miyiga ah la soo daristay xaalad adag oo dhinaca nolasha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]