Guddoomiyaha maxkamadda degmadda Hargeysa oo ka warbixiyey tiradda dacwadaha ay qaadeen
Arbaco, Janaayo ,18, 2017 (HOL)- Gudoomiyaha
Maxkamadda degmada Hargeysa C/rashiid Beer-geel ayaa ka warbixiyey dacwadihii
ay qaadeen sanadkii dhamaaday oo uu sheegay in dhamaan wixii dacwaddo ah ee soo
galay maxkamadda degmadda ay wada dhamaadeen.
Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in kun iyo shan iyo sondon dacwadood oo ciqaabta guud
ah soo galeen, isla markaana dhamaantood dhamaaday, isagoo dacwadaha kala duwan
ee soo maray ka hadlaya waxa uu yidhi “
dacwadaha ciqaabta guud ee maxkamadda soo gallay waxay dhamayd 1035,
marka lagu daro dacwadihii Demeber ee sanadkii 2015 waxay noqonayaan
dacwadaasi 1165 ciqaabeed oo aanu ka garnaqay oo aanu dhamaynay,
dacwadaha Diin cayga, ee lagu aflagaadoobay Ilaahay, Diinta iyo Nabiga
oo xumaan ka nasahan, waxay dhamayd 150 kiis, kuwaas oo dhamaantood
dhamaaday kuna gafanay qodobka 315aad.
Dacwadaha loo yaqaan waalid caasiga ee xeerka ciqaabta guud ee 35aad
waxay dhamaayeen 183 dacwadood, Dacwadaha isticmaalka daroogadaha
isagoo sitaa lagu qabtay waxay dhamayd 153 dacwadood. Dacwadaha
dhaawacyadda fudud ee qodobka 440aad ee dastuurka waxa maxkamadda
degmadda soo galaly 312 dacwadood, dacwadaha faro saarka dhexmara
dadweynaha waxay ahaayeen 54 dacwadood oo aanu ka garnaqnay.
Dacwadaha
loo yaqaan Cayda laf jabka ah waxaanu qaadnay 44 dacwadood oo
dhamantood way dhamaadeen, Dacwadaha hanjabaada dadweynaha dhexmaray
waxay ahaayeen 100 dacwadood.
Ciqaabta waxa ka mid ahaaa khasaaraha
hantidda 123 dacwadood baanu qaadnay wayna dhamaadeen. Tahriibka ama
dadkii ku gafay xeerka socdaalka Somaliland 20 dacwadood ayaanu
qaadnay, waxaanay bilaysku ku soo qabteen labaatan baabuur oo xaga
Wajaale ka yimid waana la mastaafuriyey 150 qof oo iskugu
jiray
rag iyo dumar, waxaanay kala ahaayeen 18 dumar ah iyo 132 rag ah,
dhamaantoodna waxay ka yimaadeen Itoobiya oo waxay doonayeen inay
dalka shifo sharci daro ah ku dhex maraan.
kiisas uguba h ee ku cusbaaa gayiga Somaliland oo maxkamada degmada
Hargeysa qaaday oo aan hore loo qaadin horana uga dhicin Somalilnad,
Soomaaliya iyo geeska afrika waxaana ahay wiil ay afar waalid ku
muransanaayeen, waxaana la kaashanay cisbitaalka guud ee magaaladda
Hargeysa, waxaana DNA-da u dirnay Nayroobi, taas oo la soo xaqiijiyey
waalidkii dhalay, waxaanay kiiskaasi noqday mid hormood u noqday in uu
xaliyo waalidka caruurka isku qabsaday, waxaana degmada Hargeysa soo
maray sadex kiis ah oo noocan oo kale ah oo kii u dambeeyey hadda ku
maqan yahay Nayroobi oo natiijaddii la sugayo.
Dacwadaha qoysaska Is shiidh shiida ee ka dhex dhaca xaafadaha waxaa
maxkamada degmadda soo gallay 14 dacwadood oo dhamaantood aanu
dhamaynay.Isku tagga aan sharciga ahayn waxa soo gallay laba kiis,
Dacwadaha Madaniga ah ee sanadkii tagay soo maray maxkamadda degmadda
Hargeysa waxay dhamayd 2492 dacwadood, dacwadaha khilaafyadda qoyska
ka dhaca waxa soo galaly 1100 dacwadood, fasaqaadda dumarka waxa soo
gallay 181 dacwadood, gabdhaha lagu dafiray uurka waxa soo gallay 19
dacwadood, laba guurka dumarka sameeya waxa soo galay lix dacwadood,
dumarka Guri diidka ee ka carara qoysaskooda sifo sharci daro ah waxay dacwadahoogu dhamayd 14 dacwadood.