Arbaco, Janaayo, 18, 2017 (HOL) – Doorashada xubnaha aqalka hoose ee maanta
ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo qalalaase, kadib
markii ay gacanta iskula tageen qaar ka mid ergada.
Intii ay soctay doorashad ayaa waxaa gacanta iskula tagay ergo ku sugneyd xarunta
Gaadiidka Booliska oo ay ka socoto doorashada, waxaana shaqsiyaadka gacanta
iskula tagay ka mid ahaayeen ergadii dooran laheyn musharixiinta kala ah Qadro
Axmed Ibraahim, Guuleed Ceydurus Cige, Canab Xasan Kaahin iyo Shugri
Cabdi Yuusuf oo dhmaantood ku tartamayay hal kursiga oo kaliya.
Xubnaha gacan ka hadalka bilaabay ayaa la sheegay in taageerayaal u ahaayeen
Qadro Axmed Ibraahim oo aan waqtigaa goobta ku sugneyn, hasse ahaatee waxaa
markii danbe dibada uga saaray xarunta ciidamada ammniga.
Ugu danbeyntii, siddoo kale waxaa maanta la doortay labo xildhibaan oo kala
ah C/raxmaan Max’uud Caateeye 49 cod iyo Sakariye Xuseen Aar.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]