4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 18, 2017
Awoodqeybsiga guddoonka aqalka sare oo hadal heyn badan dhalisay

 

Arbaco, Janaayo, 18, 2017 (HOL) -- Dhawaan ayaa la filayaa in la soo doorto guddoonka aqalka sare ee Soomaaliya oo ah aqal ku cusub hay’addaha dowladda madaama taariikhda inta la xasuusto Soomaaliya laheyd oo kaliya hal aqal oo ah kan gollaha shacabka.

Haddaba durbaba waxaa soo ifbaxaya hadal heyn ka dhax jirta xildhibaannada aqalka sare oo la xiriirta habka awoodqeybsiga guddoonka aqalka sare iyo sida ay beellaha u qeybsanayaan.

Xildhibaan C/risaaq Jurile oo ka mid ah mudanayaasha aqalka sare kana soo jeeda deegaannada Puntland ayaa beeniyay in beesha uu ka soo jeedo isku soo taagtay qabashada xilka guddoomiyaha aqalka sare.

‘’Waxaa la ii sheegay in warbaahinta qaarkeed qortay in beesha Daarood shirtay, ayna go’aansatay in ay raadsadaan guddoomiyaha aqalka sare, Aniggana leysku afgartay in aan isku soo taago xilkaas, warkaasi waa been, waana waxba kama jirin, shirna ma dhicin cid arintaa isaga timidna ma jirto’’ ayuu yiri Jurile.

Jurile ayaa intaa ku darray in marka la eego awood qeybsiga dalka xilka guddoomiyaha aqalka sare isku soo taagi karaan oo kaliya xubnaha ka soo jeeda G/waqooyi ama Soomaaliland, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Sida qorshuhu yahay guddoomiyaha aqalka sare waxaa isku soo taagi kara oo kaliya xubnaha ka soo jeeda beellaha G/waqooyi oo la filayo in ay araajidooda u gudbiyaan gudiga qabanqaabada doorashada’’ ayuu yiri Jurile.

Dhinaca kale xildhibaannada aqalka sare oo dhamaantood ay soo doorteen baarlamaannada dowlad gobolleedyada ayaan meesha ka saarin marka ay gudiyada qeybsanayaan isticmaalka qabiilka oo xubnaha qaarkood siweyn uga soo horjeesteen.

Ugu danbeyntii, C/waaxid Cilmi Goonjeex oo ka mid ah xildhibaannada aqalka sare ayaa kula dardaarmay xubnaha ku jira gollahan in ay meel iska dhigaan isticmaalka qabiilka, taa badalkeedana marka wax la qeybsanayo lagu saleeyo nidaamka awood-qeysiga dowlad gobolleedyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]