4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2017
Saddax kursi oo ka mid ah xildhibaannada G/waqooyi oo maanta lagu dooranayo Muqdisho

 

Arbaco, Janaayo, 18, 2017 (HOL) - Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada xubnaha gollaha shacabka iyo aqalka sare ku matalaya G/waqooyi oo heer gabagabo ah ku dhaw.

Saddex kursi oo ka mid ah xildhibaannada gollaha shacabka gobollada G/waqooyi ayaa la filayaa in maanta la doorto, sida ay sheegeen gudiga qaban-qaabad doorashsada, sidoo kale isla maanta la dooran doonaa xubno kale oo ka mid noqonaya xildhibaannada aqalka sare ee G/waqooyi.

Saddexda kursi ee maanta lagu dooranayo magaalada Muqdisho ayaa ka dhigaya tirada xildhibaannada gobollada G/waqooyi ee ilaa iyo hadda la soo doortay 42 xildhibaan, waxaana ka harsan labo xildhibaan oo kaliya madaama wadarta xildhibaannada beellaha Soomaaliland ku matalaya gollaha shacabka dhan yihiin 46 mudane.

Maalintii shalay ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho xildhibaannada beellaha Banaadiriga kadib markii la soo doortay labadii kursi ee ka dhinnaa.

Ka hor dhamaadka bishan ayaa lagu wadaa in ay gabi ahaanba la soo dhameystiro xildhibaannada labada aqal ee wali harsan, iyadoo wixii xiligaa ka danbeeya la gudagali doono qaban-qaabada doorashada madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]