Arbaco, Janaayo, 18, 2017 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan
baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa ku
eedeeyay madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan xil gudasho la’aan, iyaga oo
intaa ku daray in diyaarinaya mooshin kalsoonida lagala noqonayo.
Xildhibaan Cismaan Max’ed Caato oo ka mid ah xildhibaannada
baarlamaanka K/galbeed, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay socto
qabanqaabada diyaarinta sida uu hadalka u dhigay mooshinka ka dhanka ah
madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ay u gudbin doonaan guddoonka
baarlamaanka.
‘’Mar rabno in aan hada ka hor dhacno mooshinka, kulamo
ayaan inoo socda marka ay kulamadaa inoo soo dhamaadaan, islamarkaana mooshinka
dhinaceena uu ka soo dhamaado, ayaa si rasmi ah ugu gudbin doonnaa guddoonka
baarlamaanka maamulka K/galbeed, ayuu yiri’’ xildhibaan Caato.
Shariif Xassan ayeey ku eedeeyay in mudadii uu xilka hayay
gabi ahaanba ka gaabiyay howlihii loo idmaday, iyaga oo intaa ku daray in taa badalkeeda uu ku dhax milmay siyaasada
dowlad dhexe.
Dhawaan ayeey aheyd markii siyaasiyiin ka soo jeeda
deegaannada K/galbeed ku eedeeyeen madaxweynaha in uusan waxba ka qaban xaalada
abaarta ka jirta deegaannadaas iyo go’doominta Al-shabaab ay ku hayaan dadka ku
dhaqan degmooyin dhowr ah oo hoostaga gobollada Baay iyo Bakool.
Eedeymahan iyo mooshinka xildhibaannadu sheegeen in ay ka gudbinayaan Shariif Xassan ayaa imanaya
xili dhawaan xildhibaanno ka tirsan dowlad gobolleedka Galmudug sheegeen in ay
kalsoonidii kala noqdeen madaxweynaha Galmudug.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]