Talaado,
Janaayo ,17, 2017 (HOL)- Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay
kormeer kadis ah oo aan hore loo sii sheegin ku maray hay’adaha dawladda, gaar
ahaanna wasaaradda Ganacsiga, wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Waxbarashadda,
wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adda shaqaalaha dawladda.
Madaxweynaha
waxa kormeerkiisda ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Xoghayaha
gaarka ah ee Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliyaha Ciidamada
Ilaalada Madaxtooyada.
Kormeerkan
Kediska ah ee Madaxweynaha, ayaa ujeedadiisu ahayd dardar-gelinta hawlaha
Qaranka iyo u kuur-galka sida ay u socdaan hawl maalmeedka Hay’adaha
Xukuumaddu, inkastoo baddi ay ka maqnaayeen wasaaraddaha wasiiraddii masuulka
ka ahaa wasaaradaha marka laga reebo wasiirka Beeraha oo qudha oo marka uu la
kulmay madaxweynuhu.
Goobihii
uu Madaxweynuhu shalay subaxnimadii hore booqashada ku tagay wuxuu xog warran
ka dhegeystay masuuliyiinta iyo maalmulka Hay’adaha Xukuumadda ee waqtigaa ku
sugnaa goobta shaqada ama xarumahooda.
Ugu
horayn waxa uu Madaxweynuhu wuxuu kormeerkiisa Kediska ah ka bilaabay
Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland, waxaanu
Madaxweynuhu war bixin ka dhegeystay Wasiir-ku-Xigeenka Wasaarada, Mudane,
Axmed Maxamuud Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, mudane, Cabdirashiid
Axmed Guuleed, oo uu wehelinayo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane, Maxamuud
Warsame Jaamac. Madaxweynuhuna wuxuu shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Wasaaradda
ugu duceeyey in ALLAH ku asturo shaqada ay qaranka u hayaan.
Madaxweynuhu
waxa uu uga sii gudbay Wasaaradda Beeraha, waxaanu warbixino la xidhiidha
shaqada Wasaarada ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Aw Daahir
Ibraahim, oo uu wehelinaayo agaasimaha guud ee wasaaradu, isagoo Madaxweynuhu
soo kormeeray dhismayaal ka socda Wasaaradda gudeheeda oo loogu tala-galay inay
noqdaan Xarumaha Shaybaadhka Wasaaradda. Ka dibna Madaxweynuhu wuxuu booqday
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, waqtigii uu ku sugnaa Wasaaradda
waxaa xafiis xafiis u geeyey sharraxaadna siiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Waxbarashada, Mudane, Professor Cabdi Cali Jaamac. Madaxweynuhu waxa kale oo uu
warbixino ka dhegeystay Agaasimaha Tacliinta Sare iyo qaar ka mid ah Madax
qaybeedyada Wasaaradda. Ugu dambayntii Madaxweynuhu wuxuu bahada Waxbarshada
ugu duceeyey in Alle la qabto dedaalka horumarineed ee ay ugu jiraan tayeynta
tacliinta dalka.
Madaxweynuhu
wuxuu uga sii gudbay isla markaana uu soo kormeeray Xarunta Hay’adda Shaqaalaha
Dawladda, waxana Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Hay’adda
Shaqaalaha Dawladda Mudane Sharmaake Axmed Muxumed (Geelle), oo war bixin dheer
Madaxweynaha ka siiyey hanaanka shaqo iyo shaqaalaynta ee ay Hay’addu u qabato
Qaranka iyo weliba sida ay ugu cadaalad sameeyaan da’a yarta faraha badan ee
hamigoodu yahay inay ka hawlgalaan qaybaha kala duwan ee qaranka Somaliland,
wakhtigaa uu madaxweynuhu kormeerka ku joogay hay’adda shaqaalahana waxa ku
sugnaa dhalinyaro faro badan oo shaqo tag ah, gudoomiyaha oo madaxweynaha
arrintaasi xog ka siiyeyna waxa uu sheegay in uu kefed ka turjumaysa miisaanka
xaqa ah ee ay ugu garsooraan shaqaalaha ay miiska u saaran tahay, kuna qanciyaan
shacbiga inay ku talogalaan sinaan iyo cadaalad inay kala kulmaan halkan.
Madaxweynuhu
wuxuu uga sii gudbay isla markaana uu soo kormeeray Wasaaradda Warfaafinta iyo
Wacyigelinta, markii uu gaadhayna waxa Madaxweynaha barxada hore ee Wasaaradda
ku soo dhaweeyey Maareeyaha Televisionka Qaranka Somaliland, Khadar Maxamed
Cakule oo isagu madaxweynaha warbixin ka siiyey hawlaha shaqo ee wasaaradda,
waxaanu madaxweynuhu kormeeray qaybaha kala duwan ee wasaaradu ka kooban tahay
isagoo mid walba is dultaagay warbixina ka dhegeystay agaasime waaxeedyada iyo
agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Axmed Abokor Maxamed iyo Wasiir ku
xigeenka wasaaradda warfaafinat Mudane, Guuleed Cabdi Xasan.
Madaxweynuhuna
waxa uu shaqaalaha iyo masuuliyiinta bahda warfaafinta iyo wacyigelinta kula
dardaarmay inay dedaalkooda halkaasi ka sii wadaan oo aanay is dhigan.
Waxa
xusid mudan in wasaaradihii uu maray madaxweynuhu aanu kula kulmin wasiir jooga
xafiiskiisa marka laga reebo wasiirka Beeraha, wasaarada kale waxa warbixino iyo
soo dhoweyn ka siiyey shaqadda wasiir ku xigeenno iyo agaasimeyaal guud.
Kormeerkaa
Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda ka dib, Madaxweynuhu waxa uu qadar nasasho
ah la qaatay qaybo ka mid ah bulshada Somaliland gaar ahaan kuwii saaka ku
sugnaa Hotel Maansoor Hargeysa, oo uu Madaxweynuhu la qaxweeyey dadweyne aan ka
filanayn in Madaxweynuhu ku soo booqdo goobtaasi isaga oon wax shaqo ama hawl
maalmeed ah ku lahayn balse si kedis ah uun uga mid noqday dadweynihii ku
sugnaa gudaha Hotelka.
Dadkii
ka ag dhawaa goobahaasi ayaa ka dareen celiyey sida ay u arkaan booqashada
Madaxweynuhu ku yimid Hoteelka, waxaana ka mid ahayd dadkaasi haweenay
qurba-jooga reer Somaliland ah oo maalmo ka hor dalka Norway ka timid waxaanay
tidhi: “Runtii farxad weyn ayey ii tahay maanta in aan halkan kula kulmo
Madaxweynaha kuna salaamo aniga oo ka imid wadan fog, muddo yar oo gaabana
joogay Somaliland, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inay suurto gal ii noqoto
in si kedisa oo lama filaan ah aan kula kulmay Hotel Maansoor maanta
madaxweynaha oo aan salaamo farxad ayey I tahay aad iyo aad u weyn, halkana ka
maan filayn runtii meel”.
Sidoo
Kale waxa isna ka mid ahaa dadkii la kulmay madaxweynaha siyaasi Cabdilaahi
Bakayle waxaanu yidhi “Meesha kamaanu filayn madaxweynaha oo sidaanu u fadhinay
ayaanu aragnay madaxweynihii kelidii socda, waanu boodnay runtii oo salaanta
ayaanu la boobnay qolo ayaanu ku balan sanayn halkan balse tani waxay ku
tusaysaa in madaxweynuhu dadkiisa la dhaqmo oo inuu gaar ugu yimaado uu jecel
yahay, waxa kale oo ay ina tusaysaa inuu qof caadiya yahay oo goor walba loo
tegi karo lana heli karo uu yahay, ummaddiisana keer garaynaya, waana aanu ku
soo dhawaynaynaa hotel maansoor weliba koofigana anagaa u shubayna maanta kana
bixinayna”.
Ma
aha markii ugu horaysay ee uu Madaxweynuhu Xarumaha Hay’adaha Xukuumadda iyo
meelaha ay bulshadu ku kulanto soo kormeero ee waxa ka horeeyey marar kale oo
uu isagoo sidan oo kale ah oo ciidamo la socon iska soo booqday meelaha
dadweynuhu ku badan yyihiin.
Madaxweynaha
ayaa sidii looga bartay aan wadan gaadiidka faraha badan iyo ciidamo faro badan
oo inta badan wadada loo xidho, haseyeeshee waxa uu watay gaadhi iska caadi ah,
isla markaana waxa dadku ka raysteen gaadiidkii faraha badnaa iyo wasiiraddii
garba yaaci jiray marka uu safaradda u baxayo.