Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) – Ciidamada nabad-sugida Qaranka ayaa
gacanta ku dhigtay rag sida la shegay ku
howlanaa daabacaada lacago doolar been abuur ah.
Ciidamada NISA ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxaa
lagu sheegay inay ku qabteen warshad lagu farsameeyo doolarka been abuurka ah
iyo dadkii ku howlanaa.
Ciidamada NISA ayaa baaritaanka waxay ka sameeyeen degmada Waaberi ee
gobolka Banaadir, waxaana guri ku yaala degmadaasi ka qabteen warshad lagu
dhaqo doolarka been abuurka ah.
Wakaalada wararka Qaranka Soomaaliyeed lagu sheegay in lix ruux oo loosoo
qabtay falkaasi xabsiga ay dhigeen ciidamada NISA.
Taliska NISA ayaa sheegay in howlgalkaasi inta uu socday hal askari uu ku
dhintay, balse lagu guuleystay in lasoo qabto warshada doolarka lagu dhaqo iyo
dadkii falkaasi ku howlanaa.
Ugu danbeyntii, ciidamada NISA ayaa habeenadii ugu dambeeyay howlgalo
baaritaano ah ka sameynayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]