Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) - Gudoomiyaha ciidamada AMISOM ahna
wakiilka gaarka ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaciyay inay u
baahan yihiin ciidamo dheeraad ah oo ka howlgala dalka Soomaaliya.
Francisco Madeira, ayaa codsaday ciidamo dheeraad
ah oo ka yimaada dalalka Midowga Africa kuwaasi oo ka mid noqanaya howlgalka
AMISOM ee ka socdo Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii.
Waxaa uu walaac ka muujinayaa hadalada kasoo baxay dowladda Burundi oo
sheegtay inay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, taasi oo dhalisay walaaca
ah inay yaraadaan ciidamada AMISOM ee dalka jooga.
Madeira, ayaa sheegay in ku dhawaad sagaal kun oo askari ay u baahan yihiin,
kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya howlgalka ka socdo Soomaaliya.
Wuxuu dhinaca kale sheegay in loo baahan yahay 20 kun oo askar Soomaaliyeed
ah oo si hufan ula wareega howlaha ciidamada AMISOM ka qabanayaan dalka
Soomaaliya.
Ciidamadaasi ayuu sheegay inay u baahan yihiin inay helaan tababaro dheeraad
ah.
Ugu danbeyntii, hadalkan ayaa imaanaya xilli dowladda Burundi ay sheegtay
inay bilowday isniintii shalay hannaanka ay ciidankeeda ka badan 5-ta kun ugala
bixi lahayd Soomaaliya.