Talaado, Janaayo, 17, 2017 (HOL) – Waxaa lagu wadaa in maanta
magaalada Muqdisho ka bilaabato diiwaan-galinta musharixiinta u taagan xilka
guddoonka aqalka sare ee Soomaaliya, kadib markii maalntii shalay guddiga
qaban-qaabada shaaciyeen xiliga la qabanayo doorashada.
Guddoomiyaha gudiga qaban-qaabada doorashada guddoonka aqalka sare Max’ed
Cusmaan Faarax (Dhagajuun), ayaa sheegay
in maanta ay u fariisan doonaan inay diiwaan geliyaan musharixiinta dooneysa
inay hogaamiso xildhibaanada aqalka sare.
Diiwaan gelinta musharixiintaasi ayaa socon doonto ilaa maalinta Khamiista
oo ay taariiqda ku beegan tahay 19 bisha Janaayo.
Sida jadwalka ay ku soo saareen guddiga doorashada aqalka sare, waxaa
maalinta Sabtida khudbadaha laga dhageysan doonaa musharixiinta dooneysa xilka
guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka.
Ugu danbeyntii, 22-ka Bishan oo ku beegan maalinta Axada ayaa waxaa dhici
doonta doorashada guddoonka aqalka sare, sida ay sheegeen guddiga qaban qaabada
doorashada guddoonka aqalka Sare.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]