Wasiir Khaalid ‘’ Mudo 7 bilood ah shaqaalaha dowlada iyo ciidamada wax mishaar ah ma qaadan
Sabti, Janaayo, 14, 2017 (HOL) – Wasiiru-dowlaha wasaarrada
arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya Khaalid Cumar Cali ayaa warbaahinta u sheegay in mudo dheer shaqaalaha dowladda iyo
ciidamada wax mishaar ah qaadan isaga oo eedeyn u jeediyay mas’uuliyiinta
sare ee Qaranka.
Wasiirka ayaa
sheegay in shaqaalaha rayidka dowladda Soomaaliya iyo ciidamada qalabka sidan
wax mishaar ah qaadan sida uu hadalka u dhigay mudo ka badan 7 bilood, isaga oo
intaa ku daray in madaxda Qaranka arintan ka warqabaan.
Wasiirka ayaa sheegay in wasaarada maaliyada ay ka warqabto in shaqaala iyo ciidamada qaadan wax mishaar ah.
‘’Ma’aha wax aan
iska leedahaya in mudada inta la eg wax mishaar ah qaaday shaqaalaha dowlada
iyo ciidamada waxaad ka arki kartaan liiska wasaarada maaliyada ay gacanta ku heyso’’
ayuu yiri wasiirka.
Eedeyntan ayaa u
muuqata mid uu wasiirka ku soo beegay xili dalka loo diyaar garoobayo doorashada
madaxweynaha oo la filayo in ay dhacdo bartamaha bishan.
Ugu danbeyntii, waa
markii ugu horeysay oo wasiir ka tirsan dowlad federaalka Soomaaliya soo jeediyo
eedeyntan oo kale ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]