4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 14, 2017
Abaar ba'an oo saameysay degmada Buurdhuubo

 

Sabti, Janaayo 14, 2017 [HOL]-Xili abaar ba'ani ay ka jirto qeybo badan oo dalka Soomaaliya ah ayaa waxaa iminka dadka degmada Buurdhuubo ay ka cabanayaan abaar aad u ba'an oo soo wajahday.

Xilliyo roobeedkii lasoo dhaafay ayaa roobabku yaraayeen ama ay baaqdeen sidaa darteed ayaa abaartu aad u daba dheeraatay qeybo badan oo Soomaaliya ah. Xoolaleyda ayaa xoolo badan abaarta uga hareen ama uga le'deen.

Intii soo hartay xoolaha ayaa deegaanka Buurdhuubo iyo deegaano kale oo Soomaaliya ah waxaa loo la' yahay biyo iyo baad ku filan.

Meelaha qaar ayaa waxaa ku dhintay dad oon iyo gaajo dartood ayadoo horayna aan usoo tebinay dad dhowr ah oo walbahaar dartii markii xoolihii ka dhammaadeen is dilay oo nafafyaalkooda gacantooda ku qaaday qeybo kale oo dalka Soomaaliya ah!

In kabadan boqol qoys oo kasoo barakacay miyiga kadib markii xoolihii ka dhammaadeen ayaa iminka yimid magaalada Buurdhuubo halkaa oo ay ku dhibban yihiin.

Maamulka degmadaasi Buurdhuubo ayaa sheegay in hayado aysan joogin halkaa dadkaasna aysan iminka heysan dawooyin ku filan.

Maamulka ayaa ugu baaqay in dadkaa abaartu soo qixisay lala soo gaaro cawimaad bani'aadminimo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]