4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 14, 2017
Cabdi Warsame oo sheegay in dib ugu tartamaayo Kursiga Dagmada 6aad ee MPLS

 

Sabti, Janaayo, 14, 2017 (HOL) --Sabti, Janaayo, 14, 2017 (HOL) - Minneapolis: Gudoomiyaha degmada lixaad Minneapolis, Cabdi Warsame ayaa  waraysi uu siiyaya Somali TV  Minnesota ka warbixiyey waxqabadkiisi islamarkaana shaaciyey in uu yahay musharax u taagan isla kursiga uu haatan ku fadhiyo ee golaha degaanka Dagmada 6aad ee  Minneapolis sanadkaan 2017.

Waraysigaan oo dhinacyo badan taabtay ayuu Cabdi Warsame si qoto dheer u faah faahiyey waxqabadkiisi ku aadan qodobo ay kamid yihiin guryaha, wadooyinka, kobcinta shacabka degmada iyo shaqa abuurista.

Waxaa noo qorshaysan inaan galno doorasho sanadkaan dadkuna ay nagu qiimeeyaan waxii aan u qabanay mudadii sadexda sano aheed een joognay ayuu yiri Cabdi Warsame oo ka hadlaayay Suaal laga waydiiyey Doorashadiisa sanadkaan isagoo sheegayna in ku kalsoon yahay in ay dib u dooran doonaan dadka dagan dagmadaas 6aad

Qodoboda ugu xiisaha badnaa waxqabadkii dhanka guryaha oo uu ka hadlay ayaa waxaa kamid ah:

-         $50 million uu usoo helay dayactirka saraha dhaa-dheer ay Soomaalida degto ee 2910 East franklin Ave iyo 2515 East Franklin Ave. Abdi Warsame ayaa sheegay shuruuda uu ku xiray mulkiilayaasha sarahaasi ayaa ahayd in ay sii deganaadaan dadka danyarta ah ama low income.

-         Malaayiin Dollar uu u qondeeye waxa loo yaqaan Affordable Housing ama guryaha ay ku noolaan karaan dadka danyarta.-          

-         Wuxuu sidoo kale sheegay in uu $1million sanadkaan iyo sanadkii horeba u qoondeeye barnaamij lagu dhiiri galinaayo dhismaha guryo loogu talagalay qoysaska balaaran.

-         Wuxuu sidoo kale badalnay xeer muhiim u ah Somaalida degan guryaha Public Housingka loo yaqaan. Xeerkaan ayaa kirada ka cafinaayo dadka degan guryahaasi bilaha ay u safaraan dalka dibadiisa ayuu yiri.-          

-         Warsame ayaa sheegay sidoo kale in ay soo bandhigeen xeer cusub oo ku qasbi doonto mulkiilayaasha guryaha Minneapolis in dhamaantood ay wada qaataan waxa loo qaan Section 8 Voucher kaas oo ay isticmaalaan Soomaali badan oo wadankaan ku cususb.

Mar uu ka hadlaayay wadooyinka ayuu sheegayin  ay malaayiin dollar u qoondeeyeen dayactirka wadooyin farabadan degmadaasi oo ay kamid yihiin:

-         6th Street, 4th Street, 15th Street, Cedar Ave, 7th Street ramp.

-         Wuxuu abuuray wadooyin sita astaanta dadka bariga Africa kasoo jeeda sida; Somali Street, Oromo Street iyo Taleex Ave.

-         Abdi Warsame ayaa sidoo kale sheegay in uu bilaha soo socdo dhegax dhigi doono buundo isku xiri doonto xaafada Cedar iyo Downtownka oo loogu magacdari doono  AUN Hussein Samatar, oo ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee Soomaali oo loo doorto Xafiis Dalkaan Maraykanka.

-         Warsame ayaa sidoo kale kamid ahaa xubnihii golaha degaanka u qoondeeye $250 million oo loogu talagalay in lagu dayactiro jardiinooyinka iyo garoomada magaalada. Waxaa si gaar uga faa’idi doono garoomada degmada 6’aad ee Currie Park, Matthews Park, Peavey Park, Phillips Community Center oo swimming pool cusub loogu dhisi doono oo ay dumarka Somaaliyeed isticmaali doonaan iyagoo la tixgalin doono diintooda suuban.

Kobcinta iyo taageerida qaybaha kala duwan ee shacabka Degmada:

Tan iyo goortii uu xilka la wareegay Mudane, Abdi Warsame ayaa wuxuu si gaar ugu hiiliyey qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Taageerida uu siiyey dadkiisi ayaa isgu jirtay sharciyo uu badalay iyo dhaqaale uu u qoondeeye Soomaalida markii u horayse tan iyo goorta ay soo dageen Minneapolis. Qodobada uu soo bandhigay ee ku aadan kobcinta shacabka ayaa waxaa kamid ah:

-         Wuxuu aad uga shaqeeyay barnaamijka 4H Club, oo ah barnaamij loogu talagalay kobcinta caruurta Somaaliyeed aqoontooda xisaabta iyo Science.

-         Wuxuu kordhiyey tirada Soomaalida ka faa’idaysata barnaamijka Step Up, oo ah barnaamij lagu shaqa gaynaayo ardayda dhigato dugsiyada sare.-          

-         Cabdi Warsame ayaa sheegay in uu isla sanadkaan dhegax dhigay xarunta Opportunity Center ee Cedar Riverside. Gudoomiyaha ayaa xusay in uu $1million Dollar u uruuriyey dhismaha goobtaan. Xaruntaan ayaa loogu Talo-galay in laga Tayeeyo Dhallinyarada Somaalida iyo Oromada dhanka xirfadaha, islamarkaana loogu abuuro fursado shaqooyin.-          

-         Wuxuu kaloo meel mariyey qaraar lagu taageeraayo caruurta Soomaaliyeed ee qabta xanuunka Autism. Wuxuu sidoo kale markii u horeyse u qoondeeye dhaqaale loogu talagalay caruurtaan iyo waalidkood.-          

-         Sanadkaan wuxuu abuuray waxa loo yaqaan small business office. Xafiiskaan ayaa waxaa ka shaqayndoono qof Soomaali ah, islamarkaana garab siin doono ganacsatada Somaaliyeed.-          

-         Wuxuu dedaal badan u galay in culayska laga qaado ganacsatada Somaalida ee Mallka 24ka. Dedaalkiisi ayaa dhaliyey in la nidaamiyo Parkingka, la disho musqulo cusub iyo la xiro (alley) ama luuq soo jiidan jirey falal amniyeed.-          

-         Wuxuu u qoondeey $100k shaqaale si gaar ah uga shaqayndoono baarista falalka isir nacaybka ee Muslimiinta soo gaaro.-          

-         Waxan ka shaqeeyay xiriirka Soomaalida iyo askart Booliska, anigoo dhiiri galiyey in dhalinyaro badan Somaaliyeed ay askarta qaataan ama qortaan.-          

-         Waxaan wadnay Maalmahaan angiyo Duqa Magaaladeena Betsy Hodges in aan la kulano qaar ka mida ganacsatada xaafadaha si aan u dhaganaysano waxay tabanayaan ha ugu badnaadeen arimaha Aminiga, taasna maaaha markii ugu horaysay horena waa u samanaynay waana sii wadi doonaa hadii alle idmo

Qodabadas ayaa ka mid ahaa sababaha uu sheegay inuu  wax ka qabtay mudadii uu xafiiska joogay Cabdi Warsame  ,waxaa kaloo uu sheegay in uu qorshaynayo sanadaha soo socda Mashaariic fara badan oo dan u ah bulshadda ku nool dagmadda 6aad.

 Dad badan oo ka tirsan Soomaalida Minnesota  ayaa aad u soo dhaweeyay ku dhawaaqida  Cabdi Warsame uu ku sheegay in uu dib ugu tartamaayo kursiga dagmadda 6aad .

 Siyad Said Salah
Hiiraan Online
[email protected]