Sabti, Janaayo, 14, 2017
(HOL) --Sabti, Janaayo, 14, 2017
(HOL) - Minneapolis: Gudoomiyaha degmada lixaad Minneapolis, Cabdi Warsame ayaa
waraysi uu siiyaya Somali TV Minnesota ka warbixiyey waxqabadkiisi
islamarkaana shaaciyey in uu yahay musharax u taagan isla kursiga uu haatan ku
fadhiyo ee golaha degaanka Dagmada 6aad ee Minneapolis sanadkaan 2017.
Waraysigaan oo dhinacyo badan
taabtay ayuu Cabdi Warsame si qoto dheer u faah faahiyey waxqabadkiisi ku aadan
qodobo ay kamid yihiin guryaha, wadooyinka, kobcinta shacabka degmada iyo shaqa
abuurista.
Waxaa noo qorshaysan inaan
galno doorasho sanadkaan dadkuna ay nagu qiimeeyaan waxii aan u qabanay mudadii
sadexda sano aheed een joognay ayuu yiri Cabdi Warsame oo ka hadlaayay Suaal
laga waydiiyey Doorashadiisa sanadkaan isagoo sheegayna in ku kalsoon yahay in
ay dib u dooran doonaan dadka dagan dagmadaas 6aad
Qodoboda ugu xiisaha badnaa
waxqabadkii dhanka guryaha oo uu ka hadlay ayaa waxaa kamid ah:
-
$50 million uu
usoo helay dayactirka saraha dhaa-dheer ay Soomaalida degto ee 2910 East
franklin Ave iyo 2515 East Franklin Ave. Abdi Warsame ayaa sheegay shuruuda uu
ku xiray mulkiilayaasha sarahaasi ayaa ahayd in ay sii deganaadaan dadka danyarta
ah ama low income.
-
Malaayiin Dollar
uu u qondeeye waxa loo yaqaan Affordable Housing ama guryaha ay ku noolaan
karaan dadka danyarta.-
-
Wuxuu sidoo kale
sheegay in uu $1million sanadkaan iyo sanadkii horeba u qoondeeye barnaamij
lagu dhiiri galinaayo dhismaha guryo loogu talagalay qoysaska balaaran.
-
Wuxuu sidoo kale
badalnay xeer muhiim u ah Somaalida degan guryaha Public Housingka loo yaqaan.
Xeerkaan ayaa kirada ka cafinaayo dadka degan guryahaasi bilaha ay u safaraan
dalka dibadiisa ayuu yiri.-
-
Warsame ayaa sheegay
sidoo kale in ay soo bandhigeen xeer cusub oo ku qasbi doonto mulkiilayaasha
guryaha Minneapolis in dhamaantood ay wada qaataan waxa loo qaan Section 8
Voucher kaas oo ay isticmaalaan Soomaali badan oo wadankaan ku cususb.
Mar uu ka hadlaayay
wadooyinka ayuu sheegayin ay malaayiin
dollar u qoondeeyeen dayactirka wadooyin farabadan degmadaasi oo ay kamid
yihiin:
-
6th
Street, 4th Street, 15th Street, Cedar Ave, 7th
Street ramp.
-
Wuxuu abuuray
wadooyin sita astaanta dadka bariga Africa kasoo jeeda sida; Somali Street,
Oromo Street iyo Taleex Ave.
-
Abdi Warsame ayaa
sidoo kale sheegay in uu bilaha soo socdo dhegax dhigi doono buundo isku xiri
doonto xaafada Cedar iyo Downtownka oo loogu magacdari doono AUN Hussein Samatar, oo ahaa shaqsigii ugu
horeeyay ee Soomaali oo loo doorto Xafiis Dalkaan Maraykanka.
-
Warsame ayaa
sidoo kale kamid ahaa xubnihii golaha degaanka u qoondeeye $250 million oo
loogu talagalay in lagu dayactiro jardiinooyinka iyo garoomada magaalada. Waxaa
si gaar uga faa’idi doono garoomada degmada 6’aad ee Currie Park, Matthews
Park, Peavey Park, Phillips Community Center oo swimming pool cusub loogu dhisi
doono oo ay dumarka Somaaliyeed isticmaali doonaan iyagoo la tixgalin doono
diintooda suuban.
Kobcinta iyo taageerida
qaybaha kala duwan ee shacabka Degmada:
Tan iyo goortii uu xilka la
wareegay Mudane, Abdi Warsame ayaa wuxuu si gaar ugu hiiliyey qaybaha kala
duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Taageerida uu siiyey dadkiisi ayaa isgu jirtay
sharciyo uu badalay iyo dhaqaale uu u qoondeeye Soomaalida markii u horayse tan
iyo goorta ay soo dageen Minneapolis. Qodobada uu soo bandhigay ee ku aadan
kobcinta shacabka ayaa waxaa kamid ah:
-
Wuxuu aad uga
shaqeeyay barnaamijka 4H Club, oo ah barnaamij loogu talagalay kobcinta
caruurta Somaaliyeed aqoontooda xisaabta iyo Science.
-
Wuxuu kordhiyey
tirada Soomaalida ka faa’idaysata barnaamijka Step Up, oo ah barnaamij lagu
shaqa gaynaayo ardayda dhigato dugsiyada sare.-
-
Cabdi Warsame
ayaa sheegay in uu isla sanadkaan dhegax dhigay xarunta Opportunity Center ee
Cedar Riverside. Gudoomiyaha ayaa xusay in uu $1million Dollar u uruuriyey
dhismaha goobtaan. Xaruntaan ayaa loogu Talo-galay in laga Tayeeyo
Dhallinyarada Somaalida iyo Oromada dhanka xirfadaha, islamarkaana loogu abuuro
fursado shaqooyin.-
-
Wuxuu kaloo meel
mariyey qaraar lagu taageeraayo caruurta Soomaaliyeed ee qabta xanuunka Autism.
Wuxuu sidoo kale markii u horeyse u qoondeeye dhaqaale loogu talagalay
caruurtaan iyo waalidkood.-
-
Sanadkaan wuxuu
abuuray waxa loo yaqaan small business office. Xafiiskaan ayaa waxaa ka
shaqayndoono qof Soomaali ah, islamarkaana garab siin doono ganacsatada
Somaaliyeed.-
-
Wuxuu dedaal
badan u galay in culayska laga qaado ganacsatada Somaalida ee Mallka 24ka.
Dedaalkiisi ayaa dhaliyey in la nidaamiyo Parkingka, la disho musqulo cusub iyo
la xiro (alley) ama luuq soo jiidan jirey falal amniyeed.-
-
Wuxuu u qoondeey
$100k shaqaale si gaar ah uga shaqayndoono baarista falalka isir nacaybka ee
Muslimiinta soo gaaro.-
-
Waxan ka
shaqeeyay xiriirka Soomaalida iyo askart Booliska, anigoo dhiiri galiyey in
dhalinyaro badan Somaaliyeed ay askarta qaataan ama qortaan.-
-
Waxaan wadnay
Maalmahaan angiyo Duqa Magaaladeena Betsy Hodges in aan la kulano qaar
ka mida ganacsatada xaafadaha si aan u dhaganaysano waxay tabanayaan ha ugu
badnaadeen arimaha Aminiga, taasna maaaha markii ugu horaysay horena waa u
samanaynay waana sii wadi doonaa hadii alle idmo
Qodabadas ayaa ka mid ahaa
sababaha uu sheegay inuu wax ka qabtay
mudadii uu xafiiska joogay Cabdi Warsame
,waxaa kaloo uu sheegay in uu qorshaynayo sanadaha soo socda Mashaariic
fara badan oo dan u ah bulshadda ku nool dagmadda 6aad.
Dad badan oo ka tirsan
Soomaalida Minnesota ayaa aad u soo
dhaweeyay ku dhawaaqida Cabdi Warsame uu
ku sheegay in uu dib ugu tartamaayo kursiga dagmadda 6aad .
Siyad Said Salah
Hiiraan Online
[email protected]