Sabti, Janaayo, 14, 2017 (HOL) –
Wasiirka arimaha gudaha dowlada gobolleedka Galmudug Jaamac Xasan Salaad, ayaa
waxba kama jiraan ku tilmaamay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha
Galmudug oo sheegay in uu xilkii ka qaaday.
Wasiirka ayaa si cad uga hor yimid wareegtada madaxweynaha, isaga oo sheegay
in baraha bulshada ee Internetka uu ku arkay wareegtada xil qaadistiisa, waxaana uu sheegay in madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guulleed xil ka qaadis ku sameyn
karin, madaama ayuu yiri xildhibaannada baarlamaanka codkii kalsoonida kala
laabteen.
‘’Aniga ma ogi in uu jiro madaxweyne xilka iga qaadi kara, madaxweynihii
hore warqad uu qoray ayaan ku arkay baraha bulshada ee Inernet-ka, sidaa
daraadeed ma u maleynayo in uu jiro madaxweyne xiligan awood u leh in uu xil ka
qaadis sameey karo ayuu yiri’’ wasiirka arimaha gudaha ee Galmudug Jaamac Xassan
Salaad.
Ugu danbeyntii, hadalka ka soo yeeray wasiirka la sheegay in xil ka qaadista
lagu sameeyay aya muujinaya kala qeybsanaanta weyn ee ka dhax jirta hay’addaha
fulinta maamulka Galmudug oo isku maandhaafsan sharci ahaanshaha go’aankii
dhawaan ay qaateen qaar ka mid ah xildhibaannada Galmudug oo sheegay in ay
kalsoonidii kala noqdeen madaxweynaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]