Qarax ka dhacay degmada Huriwaa iyo askari lagu dilay degmada Dharkeenleey magaalada Muqdisho
Jimco, Janaayo, 13, 2017 (HOL) – Inkastoo magaalada
caasimada ee Muqdisho amnigeeda siweyn loo sugayo ayaa hadana dhinaca kale waxaa wali
jira qaraxyada iyo dilal ay geysanayaan kooxo aan la garaneyn.
Maqribnimadii caawa ayaa qarax loo adeegsaday miino waxaa
lagu weeraray gaari ay la socdeen dad shacab ah Ex-koontarool Balcad degmada
Huriwaa ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu waramayaa in qaraxaasi sababay
dhaawaca dad rayid ah oo ka agdhawaan goobta uu qaraxa ka dhacay.
Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka sida ay warbaahinta u
sheegeen dad goob joogayaal ah.
Dhinac a kale kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ayaa
degmada Dherkeenley caawa ku toogtay askari ka tirsan ciidamada dowladda,
waxaana lagu waramayaa in kooxihii dilka geystay goobta ka baxsadeen.
Ugu danbeyntii, magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa
waxaa inta badan ka dhaca qaraxyada lala eegto goobaha dadku ku badan yihiin
iyo dilalka loo geysto askarta iyo
shaqaalaha dowladda, inkastoo hadana dhinaca kale ciidamada nabad-galyada ku
howlan yihiin sidii amniga loo xaqiijin lahaa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]