4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2017
Safiirka cusub ee Britain oo tagay magaalada caasimada ah ee Muqdisho

 

Jimco, Janaayo, 13, 2017 (HOL) – Safiirka cusub dowladda Britain dhawaan u magacaawday Soomaaliya David Concar ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagay magaalada Muqdisho isaga oo ka shaqo bilaabaya safaarada UK ay ku leedahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

David Concar ayaa badalaya danjirihii ka horeeyay ee Harriet Matthew oo mudo kooban ahaa safiirka dowladda Britain ee Soomaaliya, laakiin hada u wareegaya howlo kale oo oo diblomaasiyadeed.

Imaashiyaha Muqdisho ee safiirka cusub ayaa ku soo beegantay xili Soomaaliya ay ku jirto marxalad doorasho, isaga oo ka dhageystay shaqaalaha safaarada warbixin la xiriirta hormarka uu sameynayo dalka oo wajahaya doorashada madaxweynaha oo la filayo in la qabto bartamaha ama dhamaadka bishan Janaayo.

‘’Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa xili doorasho, mudnaanta koowaad waxaan siin doonnaa in aan hubino sii socoshada taageerada iyo wada shaqeynta Britian la leedahayo Soomaaliya si loogu guuleysto hormarada la sameynayo’’ ayuu yiri safiirka cusub.

Safiirka cusub ee dhawaan Britain  u soo magacaawday Soomaaliya David Concar ayaa noqonaya danjirihii saddexaad ee UK tan iyo markii dib loo furay safaarada Britain sanadkii 2013ka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]