Hishiis laga gaaray colaada labo beellood oo dagaal ku dhaxmaray gobolka Galguduud
Jimco, Janaayo, 13, 2017 (HOL) – Kulamo lagu soo
afjarayay colaad ka dhex jirtay beelo wada dega deegaano ka tirsan gobolka
Galgaduud ayaa lagu soo gabagabeeyay deegaanka deegaanka Gadoon.
Kulamadan oo maalmihii ugu danbeeyay socday ayaa
waxaa qeyb ka ahaa wasiiro ka tirsan
maamul gobolleedka Galmudug saraakiil ciidan, waxgarad iyo odayaal dhaqameed ka
soo jeeda deegaannada lagu dagaallamay.
Dagaalka iyo colaada labada beellood ee la soo
afjaray ayaa sababay dhimasho, dhaawac
iyo in ay barakacaan qoysas badan.
Waxgaradka ayaa sheegay in colaadan ku soo
beegantay xili dadku la rafaadsan yihiin abaar culus oo ku habsatay, taasoo ah sida ay odayaasha hadalka u dhigeen
mid aan loo baahneyn oo dadka shacabka aysan xamili karin.
Ugu danbeyntii, deegaannada hoostaga gobolka
Galguduud ayaa inta badan waxaa ku soo noq noqda dagaallada ku saleysan
qabiilka, waxaana xusid mudan in maalin
ka hore degmada Caabud-waaq uu ka dhacay dagaal sababay dhimashada shan ruux.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]