4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 13, 2017
Ganacsato Soomaali ah oo Koofur Afrika lagu dilay

 

Jimco, Janaayo 13, 2017 [HOL]-Wararka laga hellayo dalka K/Africa ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay halkaa lagu dilay ganacsato Soomaaliyeed.

Wararku waxaa ay sheegayaa in 48 saac ee la soo dhaafay la dilay ilaa saddex ganacsato Soomaali ah iyaga oo ku gudajira howlahooda shaqo.

Ganacsatadan ayaa la sheegay in lagu weeraray goobohoodii ganacsiga xili la sheegay in ay ku guda jireen u qidmeynta macaamiishooda.

Waxaa dadkaa dilay burcad Koofur Afikaan ah, waxaana dadkan la dilay dhamaantood la sheegay in ahaayeen dhalinyaro.

Dhinaca klae dukaamo ajaaniib Soomaali ay ku jirto ay leeyihiin ayaa lagu boobay Koofur Afrika.

Ilaa 50 dukaan ayaa la boobay oo 10 Soomaali ay leedahay inta kalena ay leeyihiin dad ka soo jeeda dalalka Itoobiya iyo Pakistan meel u dhow xadka u dhexeeya Koofur Afrika iyo Namibia.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]