Jimco,
Janaayo, 13, 2017 (HOL) -Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil
Cumar Geelle ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee ka mid ah ciidamada AMISOM ay
yihiin kuwa ugu yar balse ka howlgala deegaanada ugu adag uguna ballaaran dalka
Soomaaliya.
Madaxweyaha
oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da
ayaa sheegay in ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya ay
yihiin labo batalyan.
“Ciidamadeena
marti kuma aha dalka Soomaaliya wadankooda oo kale ayay joogaan waxa ay ka
qeybgalaan sugida amniga,gurmadka iyo weliba xalinta khilaafaadka ka dhex jira
dadka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
Sidoo
kale Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa rajo ka muujiyay doorashooyinka dalka
Soomaaliya ka dhacay isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer
duruuf adag ku soo dhex jireen.
Ugu
danbeyntii, dalka Jabuuti oo kamid ah dalalka Afrika ayaa waxaa ka soconaya
mashaariic kala gedisan iyadoo wadamo badan ay mashaariic ka hirgeliyeen dalka
Jabuuti.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]