Khamiis, Janaayo, 12,
2017 (HOL) -Xubno ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha heer qaran oo ka kooban wasiirro ka socda dowladda Federaalka,
dowlad gooleedyada, ganacsato, culumo
iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa ayaa maanta la kulmay musharrax
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo .
Ujeedadan kulankan ayaa ahaa in la dardargeliyo hawlaha
lacag uruurinta ay maalmahan guddiga ka wadeen magaalada Muqdisho iyo in musharrax
farmaajo uu codkiisa u biiriyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen
abaaraha xun ee ka jira guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee K/ Galbeed Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim
Sate iyo Wasiir K/xigeenka Arrimaha Gudaha ee Jubaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa ka warbixiyay
hawsha guddiga u qabsoontay ilaa iyo hadda iyo lacagaha ay uruuriyeen oo kor u dhaafaya 60 kun oo Doollar.
Abaarta sanadkan oo loogu magacdaray Siman ayaa ah mid ku
dhufatay deegaannada kala duwan oo Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika ayeey
labada mas’uul sheegeen in loo baahanyahay dadaal xooggan iyo dhaqaale intaba
laga bixiyo si loo badbaadiyo nolosha
dadka Soomaaliyeed ee ay ku habsatay abaartan culus.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo xubin ka ah Guddiga Gurmadka Abaaraha
ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku mashquuleen doorasho halkii gurmad
loogu fidin lahaa dadka ku xoola beelay abaaraha ee gaajada iyo harraadka la
baaba’aya. “Mararka qaar waxaan is
weydiiyaa haddii dadkii ay gaajo iyo oon u dhintaan yaa madax loo noqon doonaa. Wa arrin runtii naxdin leh. Damiirkii qofka
Soomaaliga ah, waliba ragga masuuliyiinta ah ma garanayo sida uu wax ka yahay.”
Sheekh Nuur ayaa ku baraarujiyay dadka Soomaaliyeed meel
walba oo ay joogaan in ay is garabsadaan oo ay sadaqeystaan xoolaha Alle siiyay.
“Bani aadamka waa lacag jecelyahay balse waxaad ogataan in wax aad bixisaan
badalkiisa Alle ayaa keenaya. Marka aad dooneyso inaad wax hesho waxbaa lala
baxaa.” Ayuu Sheekh Nuur Baaruud.
Wasiirkii hore ee Beeraha Mudane Cabdi Axmed Baafo oo kamid
ah guddigii la kulmay musharrax Farmaajo ayaa uga mahadceliyay deeqda lacageed
ee uu la garab istaagay walaalaha Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.
“Aniga oo aanan kor u
qaadin tiradii aad ku deeqday ayaa waxaan jeclaan lahaa inaan muujiyo waxa ay
deeqdaasi tari karto. Deeqdaasi waxa ay dhalin kartaa in 6 kun oo qoys ay hal
toddbaad si joogta ah biyo u helaan. Haddii si kale loo isticmaalo waxay dhalin
kartaa in 500 oo qoys raashinkooda in muddo bil ah meel loo saaro. Waxaan
rajeynayaa inta warkaaga maqlaysay iyo inta uu gaari doono in ay gartaan waajibaadka waqtigan oo kale ka
saaran dadkooda.” Ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray Wasiir Baafo
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u mahad celiyay guddiga qaranka
ee gurmadka abaaraha oo isu xilsaaray in ay waqtigan dhibka badan ay isu
xilsaaraan hawshan adag, wuxuuna ku cdsaday dadka Soomaaliyeed in ay xil iska
saaraan.
“Waxaan baaq u dirayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gudaha
iyo dibadda inta joogta, ganacsatada Soomaaliyeed iyo qof walba oo Alle wax
siiyay in ay u gargaaraan dadka walaalahooda ah ee ay nasiib darrada ku
dhacday, qof walbana waxa uu awoodo oo karaankiisa ah inuu ka geysto.”
Ugu danbeyntii, inkastoo aysan goobta ka shaacin, haddana
xubnaha guddiga gurmadka abaaraha ayaa noo xaqiijiyay in ay ka heleen mudane
Farmaajo lacag dhan 30 kun oo Doollar ah, waxaa kale oo ay guddiga noo sheegeen
in ay wali ka sugayaan dowladda federaalka ah lacag dhan hal milyan oo doollar
oo ay ballan qaadeen madaxda qaranka, inkastoo ay walaac ka muujinayaan in
doorashada haatan socota ay dib u dhac ku keeni karto in lacagtaas la helo.