Guddoonkii baarlamaanka Soomaaliya oo la soo dhameystiray maxaa xiga oo tallaabo ah
Khamiis, Janaayo, 12, 2017 (HOL) - Labo maalmood oo siweyn isha loogu wada hayay
ayeey aheyd doorashada guddoonka baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya oo marka la
eego sida ay ku soo dhamaatay aad uga xiiso badneyd doorashooyinkii ka
horeeyay.
Maalintii shalay aheyd markii doorasho ku soo dhamaatay wareegii hore oo aad u xiiso badneyd dhaxmartay afar musharax oo u taagnaa xilka guddoomiyaha
baarlamaanka Soomaaliya uu ku soo baxay Prof Max’ed Cismaan Jawaari oo mar kale
noqonaya guddoomiyaha baarlamaanka.
Prof Jawaari ayaa hellay 141 cod, halka musharixii sida
weyn ugu soo dhawaa C/rashiid Max’ed Xidig uu helay codad gaaraya 97 cod.
Hasse ahaatee doorashadii maanta oo ka xiiso iyo xamaasad badeyd
doorashadii shalay ayaa waxaa ku tartamay gudddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo
labaad musharixiin gaarayay 16 xildhbaan, madaama kursiga guddoomiye ku-xigeenka koowaad ku tartamayeen 6 xildhibaan, halka 10 musharaxna isku soo
taageen guddoomiye ku-xigeenka labaad.
Doorashada waxaa si gaar ah xiiso ugu sii yeelay xildhibaannada isku arkay oo marka
dhinac laga eego siyaabo kala duwan
taageero uga helayay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo siyaasiyiin
ka madaxbanaan baarlamaanka, taasoo
keentay in doorashadii maanta noqoto tan loogu hadal heynta badan
yahay.
C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey iyo xildhibaan Faarax Sheekh
C/qaadir ayaa siweyn ugu loolamay awooda
codadka xildhibaannada waxaa wareegii hore 111 cod ku hogaaminayay C/wali
Sheekh Ibraahim Muudeey, halka Faarax Sheekh C/qaadir uu helay 94 cod.
Hasse ahaatee wareegii labaad ayaa markii uu soo dhamaaday
waxaa ku guuleystay guddoomiye ku-xigeenka kuwaad ee baarlamaanka C/wali Sheekh
Ibraahim Muudeey oo helay 164 cod, halka musharixii la tartamayay xildhibaan
Faarax Sheekh C/qaadir uu helay 93 cod.
Siddoo kale, waxaa kursigiisii hore ee guddoomiye
ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka sii adkeystay Mahad Cabdalla Cawad oo ka
guuleystay xildhibaan C/qaadir Sheekh Baqdaadi.
Talaabada Xigta :
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in fadhiyada ugu soo horeeya lagu
magacaabi doono guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah
howlaha ugu soo horeeya ee hor yaalla baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.
Xilka madaxweynaha ayaa waxaa u sharaxan tiro ka badan 20
musharax oo mid walba oo ka mid rajo ka qabo in uu ku soo baxo kursiga ugu
sareeya hogaanka dalka, waana arin siweyn loo wada sugayo maalmaha iyo
todobaadyada nagu soo foolka leh.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]