4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 12, 2017
Xildhibaan C/wali Sheekh Muudeey iyo Faarax Sheekh C/qaadir oo isugu soo haray wareega labaad

 

Khamiis, Janaayo, 12. 2017 (HOL) Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in wareega labaad ee doorashada u wada gudbi doonaan C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey iyo xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir.

Waxaa ka tanaasulay wareega labaad in ay u gudbaan xildhibaan  Khadiijo Max’ed Diiriye iyo xildhibaan Saciid Xusseen Ciid oo labadaba sheegay in ay ka harayaan wareega labaad ee doorashada.

Doorashada wareega labaad ayaa noqon doonta mid aad u adag oo siweyn isha looga wada hayo, madaama C/wali Sheekh Muudeey oo helay wareegii hore codad gaaraya 111, halka xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir uu helay codad gaaraya 94 cod, waxaana muuqata in labada xildhibaan ilaa iyo hadda uu u dhaxeeyo farqi dhan 17 cod oo kaliya.

Ugu danbeyntii, guddoomiye ku-xigeennada labaad waxaa isugu soo haray oo u gudbaya wareega labaad Mahad C/dalla Cawad iyo C/qaadir Sheekh Baqdaadi.

Hasse ahaatee doorashada sida weyn isha loogu wada hayo ayaa ah tan guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ay ku tartamayaan C/wali Sheekh Muudeey iyo Faarax Sheekh C/qaadir

Natiijada naga filayo waqtigayada ugu soo horeeya.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]