4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2017
Wareegii hore ee doorashada guddoomiye ku-xigeennada oo la soo gabagabeeyay [Akhriso natiijada]

 

Khamiis, Janaayo, 12. 2017 (HOL) - Waxaa la soo gabagabeeyay wareegii koowaad doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ah doorasho aad u adag.

Wareegga koowaad ayaa waxaa codadka ugu badan hellay xildhibaan Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudey oo helay 111 cod iyo Faarax Cabdulqaadir oo helay 94 cod.

Musharixiinta ayaa codadka sidan u kala hellay :

Xildhibaan C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey 111-cod, Faarax Sheekh Cabdiqaadir wuxuu helay 94-cod. Khadiijo Max'ed Diiriye ayaa soo saddaxaysa oo heshay 26 cod, waxaa soo afareeyay Siciid Ciid oo helay 17-cod. Jaylaani Iikar wuxuu helay 4 cod halka Khaalid Macoow uu helay 7.

Ugu danbeyntii, waxaa wareega labaad u wada gudbaya musharixiinta kala ah C/wali Sheekh Muudeey , Faarax Sheekh C/qaadir.

Siddoo kale waxaan sugeynaa natiijada codadka gudoomiye ku-xigeenka labaad oo ay ku tartamayaan 10 musharax, mar walba waan idiin soo gudbin doonaan halka ay wax marayaan... 

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]