4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2017
Dawlada Imaaraadka oo dooneysa inay saldhig militari ka dhex furato Somaliland

 

Khamiis, Janaayo 12, 2017 [HOL]-Dawlada Imaaraadka ayaa si rasmi ah u dooneysa ogolaansho in loo siiyo inay saldhig militari ka dhex furato Somaliland.

Arinkaa ayaa waxaa ay uga gol leedahay dawlada Imaaraatka Carabtu inay saamayn weyn ku dhex yeelato gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaanba qaaradaan Afrika.

Dhawaan ayaa dawlada Imaaraatku la saxiixatay Somaliland qandaraas loogu ogolaaday inay maamusho dekada Berbera muddo 30 sano ah gaar ahaan shirkada DP World ee dawlada Imaaraatka ayaa maamuleysa dekedaa.

'Waa run in dawlada Imaaraatku ay dooneyso in ogolaansho loo siiyo inay Somaliland ka furato saldhig militari'. Sidaa waxaa wariyeyaal u sheegay shalay Wasiirka Amuuraha Dibada ee Somaliland, Saciid Cali Shire.

Si kastaba ha ahaatee saraakiil ayaa sheegay in dawlada Jabuuti ay dawlada Somaliland uga digtay in ay u wada ogolaato dawlada Imaaraatka inay danaheedoo dhan ka fushato suuqa dihan ee geeska Afrika.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]