Xildhibaannada oo mar kaliya u wada codeynaya gudddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad
Khamiis, Janaayo, 12, 2017 (HOL) - Waxaa markii ugu horeysay wax ka badal lagu
sameeyay hab raaca doorashada guddoomiye ku-xigeennada
baarlamaanka oo lagu soo kordhiyay farsamo cusub.
Guddoomiyaha gudiga doorashada guddoonka baarlamaanka
Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa ka hor sheegay baarlamaanka in wax ka badal lagu sameeyay habkii markii hore loo soo dooran jiray
guddoomiye ku-xigeennada baarlamaanka si waqtiga loo ilaaliyo.
‘’Xildhibaanka waxaa uu qaadanayaa labo warqadood oo midabo
kala duwan leh, waxaa ku kala qoran
magacyada xildhibaannada u tartamaya ku-xigeennada koowaad iyo labaad,
xildhibaanka mar kaliya ayuu u soo wada codeynayaa musharixiinta, kadib warqad
walba waxaa lagu ridayaa sanduuqii loogu talagalay oo ay ku kala qoran yihiin
koowaad iyo labaad, marka ay codeynta
soo dhamaato codadka saduuqa koowaad ayaa la tirinayaa oo ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad, kadibna waxaa loo gudbayaa sanduuqa labaad
ayuu yiri’’ guddoomiyaha gudiga doorashada.
Farsamadan oo ah mid ku cusub xildhibaannada baarlamaanka ayaa la filayaa in doorashada maanta ay ku soo dhamaato.
Ugu danbeyntii, waxaa hadda bilaabatay oo socta codeyntii
xildhibaannada oo maanta dooranaya guddoomiye ku-xigeennada labaad iyo koowaad.
Natiijada doorashada sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan idinku soo gudbin doonnaa..
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]