Khamiis, Janaayo, 12, 2017 (HOL) – Wararka naga
soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad culus uu ku
dhaxmaray Al-shabaab iyo xoolo dhaqato deegaan bariga uga beegan degmada
Jowhar.
Iska horimaadka ayaa ka bilaawday sida ay
sheegeen dad goob joogayaal ah kadib markii xoolo dhaqato isku dayeen in ay
miino ka saaraan waddo isku xirta deegaannada Warciis iyo Wardhagax, taasoo
keentay ay weerar ku soo qaadaan xoogag ka tirsan Al-shabaab.
Inta la ogyahay labo ruux oo ka mid ahaa xoolo
dhaqatadii dooneysay in ay miinada ka saaraan wadada ayaa dhimatay halka ay ku dhaawacmeen afar ruux oo saarnaa
gaari Bas ah oo marayay meel ku dhow halka uu dagaalka ka dhacay.
Afarta ruux ee dhaawacantay ayaa la sheegay in ay
saarnaayeen gaari u sidey deegaanka Warciise Qaad iyadoo dadka dhaawacmay la
keenay isbitaalka magaalada Jowhar.
Ugu danbeyntii, ciidamada dowlada ayaa la sheegay
in markii dambe ay goobta gaareen iyagoo halkaa baaritaano ka sameeyay. Mana
jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]