4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2017
Ururka Hiil Naafo oo walaac ka muujiyay dhibaatooyinka heysta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed

 

Khamiis, Janaayo 12, 2017 [HOL]-Ururka Hiil Naafo oo ka tirsan ururada tirada yar ee u dhaqdhaqaaqa xaquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay dhibaatooyinka heysta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

Dhibaatooyinka uu Hiil Naafo ka hadlay ee heysta dadka naafada ah ee dalka ayaa noocyo badan.

Guddoomiyaha Hiil Naafo Axmed Maxamed Cilmi ayaa sheegay in dhibaatooyinkaa faquuq uu ka mid yahay kaasoo lagu hayo dadka naafada ah. Asagoo la hadlaayay idaacada afka Soomaaliga ku baxda ee VOA ayaa uu sheegay in sidoo kale aysan heysan in badan oo ka tirsan naafada waxyaabo nolosha kaaba sida waxbarasho iyo caafimaad.

Sidoo kale ayuu Axmed Maxamed Cilmi uu sheegay in siyaasada aanan laga qeyb galin dadka naafada ah.

'Shaqooyin ma heystaan. Horta dadkiibaa liidaya oo hoos u dhigaya. Qofka naafada ah haduusan haysan bir uu ku boodo ama gaari kursi..hoteelada shirarka lagu qabto meel ay maraan maleh kuraasta lugaha leh'. Axmed Maxamed Cilmi ayaa sidaa yiri.

'Waxaan siyaasiyiinta u sheegnay inay dadkaan Alle uga baqaan. Anaga Hiil Naafo ah hal ku dhag ayaan leenahay -qofkii noolow naafo filo. Rag maanta dig dig leh oo xoog leh inay kuraas ku fariisan doonaan baan hubaa. Waa qaddar Ilaahay qofka goorey ku dhaceyso lama oga'. Axmed Maxamed Cilmi.

Guddoomiyaha Hiil Naafo wuxuu sheegay in meelaha laisugu yimaado oo dhan dadka naafada ah ay dhib ku qabaan.

Guddoomiyaha Hiil Naafo Axmed Maxamed Cilmi  ayaa ugu baaqay dawlada iyo dadka Soomaaliyeed in ay is-garab taagaan dadka naafada ah oo ay taageeraan,kuna dhiiri geliyaan in ay bulshada ku dhex noolaadaan, lagana ilaaliyo faquuqa iyo waxyaabaha la midka ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]