4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2017
Kulan looga hadlayo istiraatijiyada caafimaadka deegaannada Hirshabeelle oo Jowhar lagu qabtay

 

Khamiis, Janaayo 12, 2017 [HOL]-Kulan ku saabsan istaraatiijiyadaha caafimaadka iyo nafaqada ee Hirshabeele ayaa shalay lagu qabtay Jowhar, Shabeelaha Dhexe.

Shirkaa ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaarada Caafimaadka ee dawlada federaalka ah. Shirkaa ayaa waxaa kasoo qeyb galay agaasimeyaasha caafimaatka ee heer maamul goboleed.

Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay agaasimeyaasha caafimaatka ee heer federaal waxaana kulanka lagu lafo guray qorshaha caafimaadka iyo nafaqada ee gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee 5ta sano ee soo socda.

Qorshaha ayaa ah isku habbooneysiinta qorsheyaasha caafimaad ee heer federaal iyo heerarka goboleed ayadoo isku habbooneysiin sidaan oo kale ah maamul goboleedyada ideylkood lala maagan yahay.

Qorshaha ayaa ka bilaabanaya 2017 wuxuuna ku eg yahay 2021.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]