4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2017
Qof ku dhintay bam lagu weeraray goob maqaayad ah magaalada Beledweyne

 Arbaco, Janaayo, 11, 2017 (HOL) - Qof rayid ah ayaa ku dhintay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib Bam fiidnimadii caawa lagu weeraray goob maqaaxi ah xaafadda Xaawo Taako ee magaaalada Beledweyne.

Qof goob jooge ah oo la hadlay HOL ayaa sheegay in dad aan la garaneynin bam gacameed ku tuureen maqaayad lagu fiidsado xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne, iyadoo kooxihii Bamka ku weeraray maqaayada goobta ka baxsadeen.

Dadka dhaawacmay ayaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne halkaa oo ay xaaladooda caafimaad kula tacaalayaan dhaqaatiirta isbitaalka.

Ugu danbeyntii, ciidamada dowlada Soomaaliya oo goobta tagay ayaa wada baaritaan la xiriira bamka lagu weeraray maqaayada.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]