4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2017
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo mashaariic kormeeray

Arbaco, Janaayo ,11, 2017 (HOL)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta kormeeray mashaariicda maamul daadajinta ee dawlada hoose ee Hargeysa ka caawiyaan shan hay’adood oo UN-ta ah.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in sideed degmo oo Somaliland ahi ka socdaan mashaariicdan maamul daadajinta, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in dadweynuhu adeegyadda loo daadjiyo, waxaana madaxweyne ku xigeenka looga warbixiyey mashaaariicdaaasi JBLG-ga saddexdii sanadood wixii ka fulay iyo inuu u socdo sidii loogu tallogallay.

Ugu horeyn, waxa xarunta Dawladda hoose ee Hargeysa ku soo dhoweeyey Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, waxaanu sheegay in sidii loogu tallogalay mashaariicdaasi u socdaan, isla markaana dhinaca waxbarashadda, caafimaadka iyo adeegyadda kale ee dadweynaba qayb weyn ka qaataan.

“Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa maanta Xafiiska  champion-ka nagu soo booqday, waxaana xafiisyadan maamul daadajinta ka mid yihiin wasaaradaha   Waxbarashada, biyaha, Qorsheynta, arrimaha gudaha, iyo hay’adaha la wada shaqaynta la leh, waxaana ka wada hadlaynay mashruucii 2015,2014 iyo mashaariic maamul daadajinta iyo JPLG-ka sida uga shaqaynayo dawladaha hoose arintaasi oo si fiican looga wada hadlay”ayuu yidhi Maayarka Soltelko oo kormeerkii madaxweyne ku xigeenka ka hadlayey.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici  sheegay in kormeerkani yahay mid sanadle ah oo sanadkiiba soo kormeeraan mashaariicda degmooyinka ka socda, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “ maanta waxaanu joognaa dawladdii hoose ee Hargeysa, waxaanu halkan u nimid kormerkayagii sanadla ahaa ee aanu dawladaha hoose ku kormeeraynay mashruuca maamul daadajinta, ee ka socda sideed degmo oo ka mid ah magaalooyinka Somaliland, mashruucan oo muddo soo socday waxaanu u kuurgalaynay wixii isbedel ka sameeyeen iyo mashaariicdii ay degmooyinkaasi wadeen siday u socdaaan, iyo halka ay marayaan, mashruucani waa kuwo aad u qiimo badan waa mashruuc ay ku bahoobeen shan wadan iyo in ka badan, waa hay’adaha UNDP, UNICEF,ILO,  UNHABITAT, waxaanay u midoobeen sidii loo dhisi lahaa awooddaha dawladaha hoose, si ay u fidiyaan adeegii loo baahna, ee bulshaddu u baahnayd, qarana waxa uu ka dhisnaa aasaaska hoose ee degmooyinka ayuu ka dhismaa, haddii aasaaska degmooyinku hagaago oo uu tooso, qaranka oo dhan baa qurux badnaanaya, quruxdu wuxuu ku hagaagayaa marka caasimadda wadanka la hagaajiyo, runtii waxaan u mahad naqayaa dalalka inaga caawiya hawshaasi, Ingiriiska, Denmark,  Sweden, Norway iyo  EU-da, waxa kale oo aanu mahadnaqaya shanta hay’adood ee UN-ta ah oo imika maraysa laba waji oo sanadkii tobnaad ah, waxaana kali doonaa wajigii saddaxaad oo aanu ku fidin doona degmooyinka hadhay”.

Intaas ka dib madaxweyne ku xigeenka Saylici oo gudoomiye ka ah guddida abaaraha ee heer qaran ayaan baryahan lagu arag , waxaanay wariyeyaashu waydiiyeen in mudooyinka dambe la baafinayey oo aanu guddida abaaraha ka dhexmuuqan, isagoo arrintaasi ka jawaabayana waxa uu yidhi “Layma baafine waan joogaa, intii kale ee gudda ayaa hawsha wadda, waad ogtahoo waa kii aan dhaawacmay, hawshii way socotaa abaaruhu, anigoo maqana way socotay anigoo wali baxnaano ku jira oo aan socod dheer gali Karin waxba iima baaqan ee hawshii way socotaa, ilaaahayna waxaan ka rajaynayaa inuu abaaraha inaga soo jabiyey”

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.