4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2017
Doorashadii guddoonka baarlamaanka oo bilaabatay iyo xildhibaannada oo codeynaya

 

Arbaco, Janaayo, 11. 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw si toos ah uga bilaabatay xarunta gollaha shacabka doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xiligan socta codeynta xildhibaannada.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Cabdirashid  Maxamed Xidig, Cabdifitax Maxamed Geesey iyo Idiris Cabdi Dhakhtar .

Guddiga doorashada ayaa sheegay in ay diyaar yihiin oo ay codeynayaan 136 xildhibaan,iyadoo ay doorashadana musharixii hela 139 cod uu si toos ah ugu guuleysanayo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed.

Maanta waxaa dhacaya doorashada guddoomiyaha oo kaliya, halka maalinta berri ahna la dooran doono guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, doorashada wareega koowaad ayaa bilaabatay iyadoo ay ugu horeeyn codeeyeen gudddomiyaha KMG iyo guddiga doorashada.

Wixii warar ah ee ka soo kordha doorashada waan idin soo gudbin doonaa..

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]