4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2017
Madaxweynaha dalka Uganda oo dalacsiiyay wiilkiisa

 

Arbaco, Janaayo, 11, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dalka Ugandha, Yoweri Museveni ayaa wiilkiisa curadka ah dallacsiiyay, isaga oo dhigay la taliyaha gaarka ah ee madaxtooyada, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay ciidamada.

Gaashaanle Sare Muhoozi Kainerugaba, ayaa si xowli ah sare ugu dhex dalacay ciidamada militariga dhexdooda dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa jiro hadallo la isla dhexmaraayo oo ah in loo diyaarinaayo in uu qabto xilka madaxweynaha ee Uganda ka dib marka aabihiisa uu ka dego.

Dadka falanqeeya siyaasaddda waxay sheegayaan in shaqada cusub ee loo dhiibay ee ah in uu ka shaqeeyo madaxtooyada ay sare u qaadeyso khibradiisa.

Museveni, oo 72 sano jir ah, waxa uu ka mid yahay madaxweynayaasha Africa ee muddada dheer maamulka haya.

Waxaa uu awoodda la wareegay 1986-dii, ka dib markuu ku guuleystay shan sano oo dagaal sokeeye ah.

Sanadkii tagay ayuu mar shanaad ku guuleystay doorashada, wuxuuna helay boqolkiiba 60, codadkii la dhiibtay.

Ugu danbeyntii, gaashaanle Sare Muhoozi Kainerugaba, oo 42 sano jir ah, wuxuu maamulaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran iyo ilaalada aabihii tan iyo sanadkii 2008dii.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]