4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2017
Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiye u magacaabay gobolka Galguduud

 

Arbaco, Janaayo, 11, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed ayaa wareegta uu soo saaray ku magacaabay guddoomiye cusub oo uu yeellanayo gobolka Galguduud.

Cabdikariin Xusseen Guulleed ayaa wareegtadiisa ku magacaabay Max’ed Sh Cali Cilmi oo noqonaya guddoomiyaha gobolka Galguduud ee maamulka Galmudug, waxaana xilka laga qaaday guddoomiyihii hore Xusseen Cali Wehliye Cirfo oo mudo dheer soo ahaa guddoomiyaha gobolka.

Wareegtada ka soo baxday madaxweynaha Galmudug ayaa imaneysa xili maantii shalay qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka maamulka fadhi ay ku yeesheen magaalada Cadaado ka sheegeen in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guulleed, islamarkaana dhawaan soo dooran doonaan madaxweynaha cusub.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]