4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2017
Abwaanadda Somaliland oo dhaliilay xafaaltanka xisbiyada siyaasada

 

Talaado, Janaayo ,10, 2017 (HOL)-   Golaha Abwaanadda Somaliland, ayaa si adag ula hadlay hab dhaqanka xisbiyadda iyo madax dhaqameedka oo ay aad u dhaliileen,isla markaana soo jeediyeen in loo gurmaddo dadka abaaruhu saameeyeen.

Golaha Abwaanadda ayaa sheegay in ficiltanka iyo loolanka adag ee ka dhexeeya xisbiyada ay joojiyaan, isla markaana  waxaanay madax dhaqameedka usoo jeediyeen in qabyaaladda iyo kala sheegashadda wadanka ay joojiyaan.

Golaha Abwaanadda ayaa fariimo u diray siyaasiyiinta, madax dhaqameedka iyo shacabka oo ay usoo jeediyeen inay dadka tabaalaysan ee abaaruhu saameeyeen usoo gurmadaan.

“Waxaynu ahayn umad aan wali cagaha isku taagin waxaanu is nidhi haddii wax kasta farta ku fiiqdaan biloo wax kale oo ka fool xumi timaaddo, maanta dan baa isku kaayo keentay, anagu dhinacna u xaq lin mayno oo dhex dhexaad baanu nahay, waxaanu leenahay dalka, danta iyo diintuba wuu inaga dhexeeya, xisbiyadu waa kuwayagii, xisbigu waa inuu keensada wixii uu umada ku hogaaminayey, waa inuu han fog iyo himilo dheer yeeshaa, maaha in yooyootan la yimaado, dadkeenii abaar baa haysata, sicir barar baa haysta, tahriib baa jira, in la is caayo uma baahna”ayuu yidhi Abwaan Xasan Ganay oo xaaladda wadanka ka hadlayey.

Sidoo kale, Abwaan Xasan Ganay waxa uu dhaliilay hab dhaqanka golaha Wasiiradda oo uu sheegay inay daba galaan uun madaxweynaha waxaanu usoo jeediyey inay shaqadoodda ku eekaadaan ee aanu garab cararin madaxweynuhu marka uu meel booqanayo’

“golaha wasiiradda waxaan leeyahay marka uu madaxweynuhu meel u baxayo waad garab yaacdaan oo marar qaar baa is yidhaa odayga way suuldaariba, waxaan leeyahay shaqadiina ku eekaada oo hadba meesha uu tago uun ha daba yaaciine”ayuu yidhi Abwaan Xasan Ganay.

Abwaan Aadan Tarabi ayaa isna usoo jeediyey in xisbiyadda ka waantoobaan hadaladda aan munaasibka ahayn ee ay isku tuur tuuraan taas oo dadka kala fogeyn karta, waxaanu yidhi “Madaxda xisbiyadda waxaan leeyahay ha is eeganinna oo hadaladdiina u fiirsadda oo wax dadka kala eryeya ha la imaninna”

Abwaan Maxamed Aadan Dacar ayaa isna sheegay inay soo kicisay arrimaha jira haday noqon lahayd xisbiyada  iyo madax dhaqameedka oo uu ku eedeeyey inay nafahoodda uun u nool yihiin, balse aanay jirin cid  ummadda wax u qabata.

“Raggayagan waxa na soo kiciyey wax ciyaar ciyaar ah maaha, rag ciyaar ciyaar iskaga hadli ma nihin, waxaan ka hadlayaa xisbi ha noqoto ama suldaan ha noqoto cida rabta inay dadkan hogaan u noqdaan, idinkuba uun baa shaqaynaysa ee umadan cid wax u qabanaysa ma jirto, waxaan leeyahay abaarahaasi idinka sabab u ah  oo markii dhulkii la kala yeeshay ayaa abaartan sabab u ah, marka waxaan leeyahay yaan dadkan la kala sheegan cid gaar wax u sheegatana kama yeeli karno”Abwaan Dacar

“Anigu abaartan waxaan u bixiyey Isbara oo oo dadkii bay is bartay oo dad kala fogaa ayey isku keentay, maanta ma jirto wakhti doorasho iyo olole la gallo, qofkii maanta yidhaahda doorasha doonayaa naanays baa ka raaci doonna”ayuu yidhi Muuse Cali Faruur.

Golaha Abwaanadda ayaa  sheegay in abaaraha jira iyo xaaladda ka jirta aanay ahayn mid olole siyaasadeed iyo doorasho la gali karo, waxaanay xisbiyadda usoo jeediyeen inay dhibtoodda ka yareeyaan dadka masaakiinta ah ee aanay waxba u qabanayn.

Abwaanaddan madasha ka hadlay waxa ka mid Abwaan Xasan Ganay, Abwaan Aadan Tarabi, Abwaan Cabdi Qays, Abwaan Maxamed Aadan Dacar, Abwaan Muuse Cali Faruur, Abwaan Yuusuf Shaacir iyo Abwaan Cumar Rooraaye.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland